wasirobritainLondon(ANN)Wasiirro gaadhaya tobaneeyo oo ka mid ah Golaha Wasiirrada dawladda Ingiriiska, ayaa lagu qabtay Telefoonada gacanta ee Mobile-ka oo ay la galayeen shirkooda, kadib markii ay iska dhego tireen go’aan uu Raysal Wasaare David Cameron ka soo saaray in aan shirarka lala gelin telefoonnada gacanta uu ka cabsi qabo in lagu basaaso.
Moobillada sida gaarka ah loo mamnuucay oo ka mid yihiin Blackberries, iPhones iyo kuwo kale ee casriga ah waxa shirarka Golaha Wasiirrada ama xukuumadda laga joojiyey sannadkii 2010-kii, iyadoo laga cabsi qabo in basaasiinta ajnebiga ah dhegaystaan doodaha ka dhex socda shirka wasiirrada Ingiriiska, iyagoo jabsanaya moobilladaas casriga ah.
Madaxa Ammaanka Xukuumadda Britain, ayaa la socodsiiyey wasiirrada in ay moobillada soo dhigaan marka shirarka la gelayo, wuxuuna Raysal wasaaruhu soo saaray 12 ka mid ah wasiirrada oo jebiyey sharcigaa.
Xubnahan oo ka mid ah wasiirrada ugu awoodda badan Ingiriiska waxa goobtaa looga akhriyay mawduuc ku saabsan sida moobiladu u jebin karaan ammaanka, waxaanay qaar baddan oo ka mid aha qasab ku noqotay inay si qarsoodi ah sharcigaas u jebiyeen oo ay moobilada qarsadeen.
Raysal wasaare Cameron waxa uu ku dhawaaqay in go’aankii moobilada lagu mabnuucay uu joojiyey, sida laga soo xigtay wargeyska Mail maalintii Axadda ee toddobaadkan.
“Waxa uu Xoghayaha Qaranka u sheegay iyo kuwa kaleba in qof kastaa hayso daqiiqad uu qolka kaga baxo, dibaddana soo dhigo telefoonkiisa Mobile-ka uu la soo galay shirka. Ku dhawaad 12 wasiir ayaa dambigaas galay oo laga helay,” sida lagu qoray warbixinta wargeysku faafiyey.
Wasiirrada waxa mararka qaar fashila telefoonka ay qarsadeen oo farriin Email ama ay soo garacaan kuwo sidaana lagu oggaado marka dhawaaqayadu kusoo dhacaan, waxayna fariimaha kusoo dhacayaa kusoo beegmaan, ama lagu war helaa iyadoo shirka badhtanka lagaga jiro, taas oo sababta in laga saaro shirka socda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com