Araweelo News Network

James Karver oo xisbiga UKIP ee Ingiriiska ugu jira Baarlamaanka Midowga Yurub iyo Mr.  Steve Adkens  oo masuuliyiin xisbiga WADDANI kusoo dhoweeyeen Madaarka Hargeysa

James Karver oo xisbiga UKIP ee Ingiriiska ugu jira Baarlamaanka Midowga Yurub iyo Mr. Steve Adkens oo masuuliyiin xisbiga WADDANI kusoo dhoweeyeen Madaarka Hargeysa

Hargeysa (ANN) Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI, ayaa caasimadda Hargeysa ku soo dhoweeyey wefti ka tirsan Xisbiga UKIP ee waddanka Ingiriiska, kuwaasoo uu ku jiray xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub.
Md. James Karver oo xisbiga UKIP ee Ingiriiska ugu jira Baarlamaanka Midowga Yurub iyo Mr. Steve Adkens oo ka mid ah xubnaha sida weyn ugu ololeeya qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, ayaa booqasho maalmo dhawr ah qaadan doonta ku yimi dalka shalay, kuwaasoo marti u ah mudanayaasha Golaha Wakiillada.
Xildhibaan James Karver, ayaa sheegay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
“Soo dhawaynta diirran ee la noo sameeyey waxay muujinaysaa qadarin badan, waxaanan muddo dheer ku hawlanaa, una ololaynayey sidii Somaliland u heli lahayn aqoonsi caalami ah si ay noqoto qaran madaxbannaan oo caalamka ka mid ah,” ayuu yidhi xildhibaan James Karver oo ka tirsan Baarlamanka Midowga Yurub.
Waxa uu intaas ku daray, in muddada ay joogaan Somaliland kulamo kala duwan la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee bulashada, kadibna xogta iyo macluumaadka ay helaan u gudbin doonaan Baarlamaanka Yurub iyo xisbigooda UKIP ee dalka Ingiriiska.
Weftiga waxa caasimadda Hargeysa ku dhaweeyey Md. Cabdiraxaman Maxamed Jaamac (Xoog), Md. Ibraahim Jaamac Rayte oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaas oo wehelinayeen Xoghayaha Arrimaha Dibadda WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal iyo marwo Faadumo Siciid oo ah La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Guddoomiyaha xisbigaas.

“Waxa aan halkan ku soo dhaweynaynaa wefti ka socda Baarlamaanka Yurub oo ah qolada had iyo jeer u dacwoota ee u hadasha ictiraafka Somaliland. Weftigani waxa uu daba socdaa socod sannadkan gudahiisii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cirro iyo wefti uu hoggaaminayey aannu kula kulannay xarunta Baarlamaanka Midawga Yurub, waana xubno si xoog ah ugu ololeeya qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga WADDANI.
“Waxa ay innoogu yimaadeen oo soo casuumay Golaha Wakiillada Somaliland, guddoomiye Cirro iyo xildhibbaanada baarlamaanka ee halkan joogaba, markaa sidaas ayaan ku soo dhoweynaynaa inay ina la arkaan Somaliland, sidoo kalena inala raadiyaan ictiraafka Somaliland, imminkana saddex maalmood ayey inala joogayaan oo u kuur-gelayaan sida wax yihiin iyo guud ahaan xaaladaha kala duwan ee Somaliland.”
Md. Cabdiraxmaan Xoog iyo Md. Ibraahim Jaamac Rayte oo halkaas ka hadlay, ayaa weftiga xubnaha Baarlamaanka Midowga Yurub ku tilmaamay qaar kaalin weyn ka qaata ololaha loogu jiro ictiraaf-raadinta iyo sidii qaddiyadda Somaliland looga iibin lahaa beesha caalamka.