Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Marwo. Hodon Axmed Maxamed Maal, oo dalka kusoo laabatay shalay, kadib markii ay ka qaybgashay wareegii saddexaad ee kulanka Dalalka Afrika ee qiimaynta heer caalami ee nidaamka tirakoobka Beeraha ee Afrika oo lagu qabtay magaalada Xammamaat ee dalkaTuuniisiya Intii u dhaxaysay 16-20 April 2018, ayaa ka hadashay kulankaa iyo waxyaabaha lagaga hadlay.

Marwo Hodon, waxa ay sheegatay in kulankaa oo uu qabtay Baanka Horumarinta Africa (African Development Bank) ujeedadiisu ahayd kulan hawleedkii saddexaad ee lagu qiimanayo wax-soo saarka dhinaca Beeraha ee Afrika (Regional Workshop for the launching of the 3rd Country assessment Cycle of national agricultural statistics system in Africa) kualnkaa oo Somaliland ahmiyad weyn u lahaa ka qaybgalkeeda, isla markaana lagaga hadlay sidii loo horumarin lahaa wax-soosaarka dhinaca Beeraha ee Afrika, waxa mudadii uu socday lagu falanqeeyay is bar-bardhiga dal walba wax-soosaarkiisa iyo meelaha loo baahanyahay in culayska la saaro . sidoo kalena waxyaabaha dawladuhu qabsankarayaan sida samaynta sharciyada Beeraha, xog ururinta beeraha, tirokoobka beeraha, samaynta qorshe siyaasadeedka Beeraha, qorshe siayaasadeedka iskaashatooyinka Beeralayda, qorshaha suuqgaynta, qorshaha abuurka shinnida, qorshaha staraatiijiyada iyo in la horumariyo dabagalka iyo qiimaynta xog ururinta Beeraha (Agriculture Statics, policy plan, Strategy plan, seed policy, cooperative policy, marketing Policy and Monitoring Evolution).

Agaasimaha Waaxda Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Marwo. Hodon Axmed Maxamed Maal, waxay xustay inay Wakiilo dhigeeda ah oo ka socday 52 Dal oo Afrika ah ay kala qaybgasho kulankaa oo Somaliland fursad weyn u ahaa, isla markaana ay kusoo bandhigtay qorshayaasha xukuumadda Somaliland ee horumarinta dhinaca Beeraha ee Somaliland, waxayna xustay in macluumaadkii ay soo bandhigtay soo jiiteen dalalka ka qaybgalay kulankaa iyo masuuliyiinta ka socotay Baanka Horumarinta Afrika ee kulanka qabtay, isla markaana ay ka codsatay in kulamadan oo kale lagu qabto dalkeeda Somaliland oo ay sheegtay inuu yahay mid xasiloon oo u qalma, iyadoo Baanka Horumarinta Afrika uu balanqaaday inuu Somaliland ka caawin doono xog ururinta Beeraha (Agriculture Statics), isla markaana ku amaanay dedaalka Somaliland ugu jirto kobcinta xog ururinta iyo wax-soosaarka Beeraha.

Marwo Hodon, waxa kale oo ay sheegtay in sidoo kale farxad weyn ay u ahayd inay markii labaad ka qaygasho shirkan oo kale, iyadoo 2016, dalka Tansania kaga qaybgashay shirkaa, isla markaana Baasaboorka Somaliland kaga qaybgashay shirka lagu qabtay dalka Tunisia magaalada Xammaamat, kadib markii ay ku adkaysatay in aanay ka qaybgelayn haddii aan loo tixgelin Baasaboorka Somaliland, maadaama ay Somaliland tahay dal madaxbanaan oo dunidu la macaamisho, sidaana loogu ogolaaday dalabkeeda, iyadoo sidata Somaliland Passport oo loogu Fiiseeyay dal ku galka Tunisia.

“Farxad Weyn ayay ii ahayd inaan ka qaybgalo shirkaa oo sumcad weyn usoo jiiday dalkayga Somaliland, waxa kale oo farxad ii ahayd inaan ku galo dalka Tunisia Baasaboorkayga Somaliland oo ka hor intii aanan tegin shirkaa aan codsaday in lay tixgeliyo, sidaana lagu aqbalay dalabkayga oo aan ku galay Baasaboorka Somaliland dalka Tunisia oo shirkaasu ka dhacay magaalada Xammaamat 16-20 April 2018. Sidoo kale waxa farxad ii ahayd in magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka aan saacado badan (Transit) ku ahaa oo aan sugayay diyaaradii kale ee aan u raaci lahaa Tunisia lay ogolaaday Fiisaha dal ku galka Dubia, maadaama aan saacado badan joogayay, balse aan safarkaygii iska sii watay taasoo iyaduna farxad weyn ii ahayd. ” ayay tidhi Marwo Hodon Axmed Maxamed (Maal) oo ah Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo warbixin kooban ka bixisay safarkaa ay kaga soo laabatay dalka Tunisia.