Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan dheer oo ka dhacay qasriga Madaxtooyadda ugu bushaareeyay guddida nabadda gobolka Sanaag, inuu diyaar u yahay inuu awooddiisa ku meelmariyo wax kasta oo arrinta nabada lagu soo afjarayo.


“Hawsha inta xilka aan hayo ee madaxweynuhu oggoshahay ee aan awooddeeda leeyahay waan qaadanayaa oo waan fulinayaa.”ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi oo la hadlayay Salaadiin, Waxgarad, Culmo, masuuliyiin iyo Siyaasiyiin uu kula kulmay Madaxtooyadda Somaliland maanta.


Madaxweynaha iyo dhinaca Salaadiinta iyo Odayaasha, ayaa kulankaa ka shaaciyay waxyaabaha ay ku heshiiyeen ee ka wada hadleen iyo qodobada lagu heshiiyay ee arrimaha la doonayo in lagu soo afjaro xiisada Col. Siciid Cawil Caarre.


Halkan ka Daawo

Heshiiska Madaxtooyadda ee Jabhada Col Caarre