muse biixi
Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey in culimadu gashay siyaasadda, gacantana ku dhigtay dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo hadalo kaftan iyo duur-xul ah ku ganay culimadda.
Sidaana wuxuu ku sheegay hadal uu ka jeediyey xaflad loo qabtay maalintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 28 February 2015, ku dhwaaqida shirkad ganacsi, balse codkiisa laga qariyey hay’adaha warbaahinta, isla markaana masuuliyiinta shirkadaasi ka codsadeen weriyeyaashii joogay xafladda, gaar ahaan telefishannada in aanay baahin warka shirkadooda iyo hadalka Muuse Biixi, lagana reebo qaybta Guddoomiyaha KULMIYE kula kaftamay culimada oo ay si gaar ah u dhibsadeen, go’aansadeena in laga hortago si aannu u gaadhin bulshada hadalkaas waddaadda khuseeyey.

Warka oo lag baahiyay telefishannada 24 saac kadib maalintii xaflada loo qabtay ee Sabtida ee 28 February 2015, iyadoo baahintiisuna dib ugu dhacday habeenkii Isniinta oo telefishannada laga arkay warkaas oo laga reebay hadalka Muuse Biixi kula kaftay culimada Somaliland, balse laga soo qaatay qayb yar oo aad loo tifaftiray oo ahayd mid uu ku ammaanay shirkadda.

Hasayeeshee, hadalka Guddoomiye Muuse Biixi ka jeediyey xafladaas oo Jamhuuriya helay xalay isagoo codkiisu dhammaystiran yahay, waxa uu ku yidhi; “Horta waddaadada (culimada) ma lala kaftami karaa oo ma la soo qaadi karaa, mise qaalla-laahu tacaalaa ayey kaa horkeenayaan? Laakiin waxa aan leeyahay waddaadada waar dhaqanno cusub ayaa inagu soo baxay oo waddaadku waxa uu isa soo taagay halkii lagu maagi jiray cid walbaa. Dhaqaalaha dalka waddaado ayaa haya maanta, nin taajir ahna waa la caayaa oo waa la tuur-tuuraa, ilayn inta uu qaddinayo ayaa badan, inta uu ka seexanayo ayaa badan. Inta uu dhaafayo ayaa badan oo wax uun baa lagu sheegaa, markaa horta waddaadadaw (culimooy) halkii ayaad timaadeen ee haddii la idin yara taataabto ha diidina. Waxa ka sii daran siyaasadda oo mar haddii aad siyaasiba tahay tuug ayaad tahay, beenaale ayaad tahay, khaa’in ayaad tahay oo nin xun baad tahay, inanka wanaagsana gurigiisa ayuu joogaa (saaxadda ma soo galo), laakiin haddii aad fagaaraha iskeento ogolow in wax lagaa sheego.
Horta culimoow siyaasadii ayaad soo gasheen ee su’aashu waxay tahay garoonkii ayaad iskeenteenne sidee ayaa loo kala nabadgelayaa? Taasna cid kale ayaa ka talin doonta oo anniga culimadu waa culimadaydee oo way wanaagsan yihiin, meesha ay yimaadeenba way ku wanaagsan yihiina, mid ayaanse odhanayaa oo maanta dabaqada dalka ugu saraysa ee dhaqaale leh waa culimada. Tacliintii idinka ayaa gacanta ku haya. Isgaadhsiinta idinka ayaa haya. Dhakhaatiirta idinka ayaa haya. Kaashkii (lacagtii) idinka ayaa haya. Bakhaaradii idinka ayaa haya, xadiiskiina waad haysaan oo intaas waad na waaninaysaan, idinka oo nagu waaniya danyarta hoos ha loo eego. Agoomaha ha haloo naxariisto. Waxa aannu leenahay waayahay ee dugsiyada aad dhigaysaan ee weliba lagu baranayo diinta dadku ha wada barto oo kii (qoyska qanniga ah) dollar haystaana ha barto, kii dollar waayaana yaannu qaddin ee tacliinta ina wada gaadhsiiya walaalayaal.
Bakhaarada idinka ayaa haysta oo soo dejiya cuntada, ixtikaarkuna waa xaaraan oo waad taqaaniin, baayac-mushtar dhiig-miirad ahna waa kii aynu ka dagaalanay, markaa haddii aad tihiin culimadii cuntadu yey nagu qaaliyoobin ee noo jabiya Ilaahay ka yaaboo. Shidaalka waxa keenta culimo, adduunkiina wuu ka jabay inagana insha allaah wuu inaga jabi doonaa. Waxa aan leeyahay Ilaahay (SWT) ha inoo barakeeyo culimada, maalkana ha u sii ballaadhiyo, iyaga ayuun baa inoogu dhaw cid wax haysee oo way dhaqaaleeyaan xoolaha, wax kalena way ku ciyaarayaane,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kaloo uu tilmaamay in aan masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID yihiin rag waayo-arag ku ah duruufaha dalka, wax walbana ka horraysiiya danta qaranka Somaliland, sidaas darteedna aan looga baqi doonin inay ku kacaan wax dhibaato ah.
“Qolada xisbiyada waa nala dardaaray oo la nayara taabtay, hadalkana anniga (Muuse Biixi) iyo Cirro (Cabdiraxmaan Cirro) oo wakiilna ka ah Faysal (Faysal Cali-waraabe) ayaa fadhinay, markaa waad na dardaarteen oo dadku werwer ayuu qabaa ayaa la leeyahay, masaajidaduna way ka hadlayeen (Jimcihii) oo nabadda dalka hala dhawro mucaarid iyo muxaafidba ayaa la leeyahay. Horta waannu qaadanay dardaaranka, annaga laftayaduna wax ayaannu is yara weydiinay, waxaanan is-nidhi saddexda xisbi (KULMIYE, WADDANI iyo UCID) guddoomiyeyaashooda iyo madaxweynuhu waa raggii madaxda u ahaa xisbiyada dhawr iyo tobankii ay jireen xisbiyadu. Tu walbana way soo mareen oo siyaasad ah, weliba qolada reer KULMIYE haddii aannu nahay waannu ka sii waayo-aragsanahay oo 30 sanno oo ka horreeyey waannu haynaa dalkan waayo-aragnimadiisa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Waxaannnu intaas ku daray; “Anniga (Muuse Biixi), Cirro (Cabdiraxmaan Cirro) iyo Faysal Cali-waraabe waxa aannu u soo joognay foodkii ugu adkaa ee ugu horreeyey ee lagu doortay Rayaale (sannadkii 2003). Labadii xisbi ee dhacay ayaannu ahayn (KULMIYE iyo UCID), weliba anaga (KULMIYE) waxa noo sii dheerayd in 80 cod la yidhi ku taga. Qaladii tidhi dalka ayaa loo danaynayaa oo ma hadli kartaan, halkaa (madaxa) iskaga kaaya taagay waxay ahaayeen Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali-waraabe, markaa maaha rag garan la’ danta dadka oo la waaniyo. Waxa haddana timi muddo-kordhintii (loo sameeyey Daahir Rayaale), waxaana is qabsaday UDUB iyo KULMIYE, xaaladduna cirka ayey isku shareertay oo waa tii mar la galay qiiro-qiiro, maalintaas labadii nin ee madaxa isaga kaaya taagay waxay ahaayeen Cirro iyo Faysal oo yidhi danta qaranka ayaa la eegayaa ee car juuq dheh KULMIYE-yow waa la kordhinayaaye, weliba taasna (muddo-kordhintu) laba jeer ayey dhacday. Horta dadka waayo-aragaas leh weeye oo la noo baqi maayo, belaayo kale oo naga kacda mooyaane xagayaga (masuuliyiinta saddexda xisbi) nin walba waxa ka horaysa danta dalka.
Qolayadii hore ee SNM-ta marka la iska dhaafo labada nin ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali-waraabe reerahoodii may arag 19-kii sanno ee la soo joogay, manay arag carruurahoodii oo way dayaceen, waxayna u dayaceen dan qaran, may shaqo tegin, intaasba makarafoon ayey joogeen, dan-guudna way ku talinayeen, mana ah rag looga baqo mucaaridad ayey wax ku xumaynayaan maanta. Siilaanyo-na (madaxweynaha Somaliland) afartan sanno (40 sanno) ayuu marayaa oo uu dalkan ka talinayey, anniguna (Muuse Biixi) toban sanno ayuun baan ka hooseeyey, intaasba dan qaran ayuun baa laga shaqaynayey, markaa ma nihin rag maanta laga waaniyo Somaliland haddii aanay balaayo kale nagu dhicin ee taas ka seexda, danta ayeynu raaci doonaa, wanaag ayaana iman doona, xisbiyaduna maaha qaar loo baqayo maanta.”
Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo masuuliyiinta leh barotakoolka dastuuriga ah ee dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Dastuurka Somaliland afar qof ayuu siiyey borotakoolka, waxayna yihiin madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Wakiillada, sidaas ayeyna u kala horreeyaan. Laba nin ayuu mid walba gashan yahay cumaamad oo dadkuna isku qaldaan. Cabdiraxmaan Cirro mar waa guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo waxa uu leeyahay baratakool dastuuri ah, cidna uma dhawaan karto meesha uu fadhiyo (xafladaha) oo wasiir iyo guddoomiye kaleba ma hadlayaan. Waxa kaloo jirta mid yara kulul oo mucaaridad ah (oo waa Guddoomiyaha WADDANI), markaas labadaasi dadka way iska dhexgalaan, waxaynuse raacaynaa ta sharciga ah (oo baratakoolkiisa waa la ilaalinayaa.” Madaxweynaha qaranku marka uu yahay madaxweynaha qaranka ee uu halkan yimaad (xafladaha ama munaasibadaha) dadka mucaaridka ah waxay u arkayaan inuu yahay xisbiga xuurtada ku haysta ee muxaafidka ah oo ay ka soo horjeedaan, markaana way iloobaan madaxweynenimada, isagana way jiidh-jiidhaan. Waxa aan leeyahay labadaasba aan saxno oo marka national (qaran ah) la joogo aynu raacno qaranka, xisbiyaduna xaga hoose ha inoo yaaleen.” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews