amisomMogadishu(ANN)Weerar khasaare baddan dhaliyay oo Al-shabaab ku qaaday Xerada Xalane ee u dhow Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo xarun u ah Qaramada Midoobay, Ciidamada AMISOM iyo Safaaradaha shisheeye ee ku sugan Somalia, ayaa sababay in uu xilkiisa ku waayo Afhayeenkii Ciidamada AMISOM Col. Xaamud oo u dhashay Dalka Djibouti. Weerarka oo isugu jiray Qaraxyo iyo tacshiirado rasaas ah, ayaa socday saacado baddan , kadib markii qaraxyada oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa afaafka hore lagaga xereeyay Xeradaa, iyadoo markaa ka dib koox hubaysan gudaha u galeen xeradaa, kuwaas oo dhawr iyo toban saacadood ka dagaalamayay xeradaa. War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM oo lagu cambaareeyay weerarkaa oo shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu sheegay in xilligii qadada ay kooxo argagixiso ah isku dayeen inay galaan xaruntao oo ah mid aad loo ilaaliyo, balse ay kala kulmeen dagaal adag, sida lagu sheegay war saxaafadeedka Ciidamada AMISOM. Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeedka kasoo baxay Ciidamada AMISOM, in kooxdii weerarka soo qaaday 5 ka mid ah la dilay, halka 3 ka mid ah la sheegay in nolosha lagu qabtay. AMISOM ayaa xaqiijisay in weerarkaa ay ku geeriyoodeen 3 ka mid ah ciidanka AMISOM iyo qof rayid ah, waxeyna AMISOM tilmaantay in ammaanka xarunta ay xasiloontahay, isla markaasna ay ciidamada Midowga Africa iyo shaqaalaha UN-ka ay bed qabaan wixii ka dhacay halkaa. Sidoo kale Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Maman S. Sidikou, ayaa aad usoo dhaweeyay sida Ciidamada AMISOM uga hortageen weerarka lagu soo qaaday xarunta Xalane, wuxuuna ka tacsiyeeyay ehelada iyo qarabadii dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Xalane, isagoo xusay inay dadkaasi u geeriyoodeen difaaca dalka oo ay galeen taariikhda Soomaaliya. Wakiilka Midowga Africa ee Somalia, ayaa hoosta ka xariiqay in weerarada argagixiso ee noocan oo kale ah aanay marnaba hakad gelineynin howsha ay Midowga Africa iyo beesha caalamku ku garab taaganyihiin dowladda iyo dadka Soomaaliyeed. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay inay weerarkaa khasaare baddan ku gaadhsiyeen Ciidamada AMISOM, isla markaana waxay ku faaneen inay raggii weerarka fuliyay qaarkood iyagoo aan waxba qabin ku laabteen xeryohoodii, balse Al-shabaab ma sheegin tirada weerarka fulisay inta ay ahaayeen. Sidoo kale Al-shabaab waxay qoraal saxaafadeed lagu daabacay bogga ay ku leeyihiin internetka oo lagaga hadlay dhacdada weerarkaa oo ay qaadeen Cutubyo Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Jihaazka Amniga ee Mujaahidiinta ay ku dileen in ka badan 17 qof, kuwaas oo sida ay sheegeen ay ku jiraan Abaanduuleyaal Afrikaan ah iyo Laba qof oo ay ku tilmaameen Calooshood u shaqeystayaal Cadaan ah oo aanay sheegin dalalka ay u dhasheen iyo waxa shaqadoodu ahayd. Bayaanka ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab, waxa kale oo lagu sheegay in Xeradaa oo ah mid Aad Amnigeeda loo ilaaliyo ay Hoy u tahay Taliska Dhexe ee Ciidamada AMISOM ee Afrikaanka, isla markaana ay Safaarado ku leeyihiin Dowlado baddan oo ay ku jiraan reergalbeedka, sida Ingiriiska iyo Talyaaniga. Sidoo kale, waxay sheegeen inay Xafiisyo ku leeyihiin Hay’addo kuwa wax basaasa ah oo dhowr ah, kuwaas oo sida ay sheegeen ay ku jiraan CIA-da Mareykanka, MI6-ta Ingiriiska iyo MOSSAD-ka Yahuudda, isla markaana sida ay sheegeen goobta xerada uu ku yaal Xabsiga ugu weyn Soomaaliya ee dhulka Hoostiisa ah, kaas oo ay sheegeen inuu yahay mid mukhaabaraatka Maraykanka ee CIA-du u adeegsato tacadiyo iyo dhibaatooyin ay sheegeen in lagu hayo dadka muslimiinta ah. Al-shabaab waxay qoraal saxaafadeedkooda ku sheegeen in Weerarka Lagu Qaaday Xerada Xalane uu ahaa mid aargudasho ah oo loogu aargudayay Amiirkii hore ee Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab Sh. Mukhtaar Abuu Zubeyr, kaas oo bishii September ee sanadkan ku shahiiday duqeyn Diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Koonfurta Soomaaliya, Waxaana Bayaanka lagu sheegay in Talis laga hago howlgalada Diyaaradaha Drones-ka ee aan cidna wadin oo ku yaala Xerada la beegsaday ujeedadii weerarka laga laahaana fushay oo uu fariin cad u yahay AMISOM iyo wadamada shisheeye ee ay sheegeen inay kusoo duuleen Somalia. Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in Afhayeenkii Ciidanka AMISOM,  xilka laga qaaday, wax yar kadib markii waraysi uu bixiyay oo la xidhiidhay weerarkaa ku sheegay in aanay jirin tiro ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday oo Ciidamadooda AMISOM qabteen, balse  Col Cali Xaamud oo warbaahinta qaar la halday markii wararkaasi soo baxeen ayaa sheegay in aanu ogayan in xilka laga qaaday oo aanu arrintaa waxba kala socon.

Hase yeeshee waxa muuqata inuu jiro khilaaf madaxda Ciidamada AMISOM oo soo baxay weerarka ka dib markii ay warar iska hor imanaya kasoo kala baxeen, iyadoo ciidamada Burundi iyo Uganda  ku doodeen inay sadex ka mid raggii weerarka soo qaaday gacanta ku dhigeen, waxyana tirada ragga weerarka soo qaaday ku sheegeen 8 qof, balse waxa muuqata in xaqiiqdu sidaa ka duwantahay, iyadoo baaxada weerarka iyo waqtiga uu qaatay hawlgalkii iyo tirada weerarka Xalane aad uga duwanaa xiliyada ay qaadan jireen weerarada sidan oo kale Al-shabaab ka fuliso goobaha sidan oo kale ah, taas oo muujinay in xaqiiqdu ka duwantahay sidaa oo aan warbixin dhab ah laga hayn weerarkaa, tirada kooxda fulisay, halaka ay ku danbeeyeen iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, maadaama ay aad u kala fogyihiin sheegashada labada dhinac ee Al-shabaab iyo AMISOM. Araweelo News Network Somaliland Office info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com