141203083901_mogadishu_blast_512x288_bbc_nocreditMuqdisho(ANN)Weeraro iyo qaraxyo Laguna hoobtay oo wada socda ayaa lagu qaaday Laba Huteel oo ku yaal magaalada Muqdisho ee caasimada u ah dawlada tàagta daran ee ay Ilaaliyaan Ciidamada AMISOM. Sidoo kale waxa daqiiqado ka hor weerarada iyo qaraxyada wada socday madaafiic lagu garaacay garooka istaadimka Muqdisho oo ay degan yihiin AMISOM.

Weerarada Lala beegsaday Labada Huteel ee Weheliye iyo Siyaad oo aha a qaraxyo I yo weerar wada socda waxa sheegatay Kooxda Al-shabaab.
Warar hordhaca ayaa sheegaya in ugu yaraan ay ku dhinteen tobaneeyo qof oo u baddan shacab, balse waxa jira warar kale oo sheegaya in khasaaruhu intaa ka bad an yahay, iyadoo labada Huteel ee la weeraray oo ay inta baddan degan yihiin masuuliyiinta dawlada, isla markaana kooxda weerarada qaaday qaraxyada kadib gudaha u galeen labada Huteel oo ay dad baddan ku laayeen.

Masuuliyiinta ciidanka dawlada Somalia, ayaa sheegay inay goor danbe la wareegen labada Huteel, iyadoo kooxda weerarka soo qaaday sida ay sheegeen goobta lagu laayay.

Balse ma jiraan warar ilaa hadda madaxbanaan oo si dhab ah u iftiiminaya khasaaraha ka dhashay weerarada oo mudooyinkan kusii baddanaya magaalada Muqdisho.