ciidamofaransiis
Paris (ANN/Reuters)- Dawladda Faransiiska ee galbeedka qaaradda Yurub, ayaa cabsi xooggan ka qaadday weerarro kala duwan ka dhacay magaalooyin dalkaas ka tirsan toddobaadkan.
Rag la sheegay inay ku dhawaaqayeen kelmedda Allaahu Akbar (Ilaahay ayaa weyn), ayaa dad rayid ah jiidhsiiyey baabuur ay wateen maalmihii Isniinta iyo Axadda ee toddobaadkan, kuwaasoo ugu yaraan hal qof ku dhintay, in ka badan toban kalena ku dhaawacmeen, iyagoo dadka gawaadhida la jiidhsiiyey meel suuqa ah ka iibsaney alaabooyin ay ugu talogaleen xuska maalinta ciidda kiristaanka oo loo dabbaaldego 25 December sannad kasta.
Sida masuuliyiinta Faransiisku sheegeen waxa labadaas weerar ka kala dhaceen magaalooyinka Nantes iyo Dijon oo ku yaal galbeedka iyo bariga dalkaas, iyadoo shilka baabuur ee ka dhacay magaalada Nantes hal qof ku geeriyooday, dhawr kalena ku dhaawacmeen, halka weerarka baabuur ee lala bartilmaameedsaday magaalada Dijon ay ilaa 13 qof ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale, nin ku dhawaaqayey Allaahu Agbar, ayaa minddi ku weeraray saddex sarkaal oo ka mid ah booliska magaalada Joue-les ee badhtamaha Faransiiska maalintii Sabtida, kaasoo markii dambe ciidanku ku dileen toogasho.
Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska Mr. Manuel Valls, ayaa ku dhawaaqay shalay in ciidamo dheeraad ah la dhigi doono magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, kadib markii dawladdu sas iyo cabsi xooggan ka qaaday weerarada ka dhacay gudaha Faransiiska toddobaadkan, waxaannu Ra’iisal-wasaaruhu sheegay in ciidan dheeraad ah oo tiradiisu tahay ilaa 300 la dhigi doono magaalooyinka waaweyn ee Faransiiska.
“Waxa la kordhin doonaa ciidanka roondada ah ee magaalooyinka muddada lagu jiro dabaal-dega xuska kirismaska, ilaa 300 ciidan roondo ah ayaana meel walba la gayn doonaa si ammaanka iyo xasilloonida loo ilaaliyo,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaare Manuel, isagoo tilmaamay in aanay weerarada magaalooyinka dalkiisa ka dhacay aanay wax xidhiidh ah la lahayn argagixiso, balse ay jirto cabsi ah in feejignaan la muujiyo.
Dhinaca kale, madaxweynaha Faransiiska Mr. Francois Hollande, ayaa ku baaqay in golaha wasiirradiisu kulan degdeg ah ka yeesheen sidii looga wada-xaajoon lahaa weerarrada khasaaraha sababay ee ka dhacay Faransiiska, isagoo shacbiga dalkiisana ka codsaday in aanay wax cabsi ah dareemin, loona baahan yahay taxadar la muujiyo.
Weerarrada aargoosiga ah, ayaa ku batay dalka Faransiiska ilaa xilligii uu ku biiray xulafada Maraykanku hoggaamiyo ee duqaymaha dhinaca cirka ah ka fuliya degaannada dalalka Ciraaq iyo Suuriya ee ay ku xooggan yihiin kooxda sheegatay dawladda Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com