Araweelo News Network

Muuqaalka Qaraxa

 

Muqdisho(ANN)/Weerarro loo adeegsaday qaraxyo, ayaa gil-gilay Magaalada muqdisho ee xarunta dawladda Fedraalka ee Soomaaliya. Sida ay sheegayaan saraakiisha ammaanka, ayaa sheegay in qaraxyadaa maanta ka dhacay Muqdisho loo adeegsaday gawaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa lala beegsaday goobo kala duwan.

Burburka uu Qaraxu sababay

Qaraxa  hore,  ayaa ka dhacay isgooyska loo yaqaano Zoobe ee badhtamaha  magaalada oo ah isgoys aad u mashquul badan, waxaana la arkayay goobta uu qaraxu ka dhacay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.

Qaraxa lala beegsaday dhismaha  hoteelka SafarI oo ka mid ah Huteelada ugu caansan, iyadoo gebi ahaanba uu qaraxu dhulka la simay dhismaha Huteelkaa, waxayna wararku sheegayaan in dad badan ku jiraan dhimaha huteelka ee qaraxu dumiyay, waxaana markaa kadib la maqlayay rasaas googoos ah oo goobta qaraxu ka dhacay laga maqlayay.

Sidoo kale qaraxa labaad, ayaa  ka dhacay degmada Madiina, waxaana ku dhintay inta la ogyahay labo qof.

Muuqaal Ka mid ah burburkii qaraxa

Dab  ka kacay kaalin shidaal oo u dhaweyd goobta uu qaraxa ka dhacay, ayaa sababay in xaaladu faraha Ka baxdo, iyadoo  la arkayay aurora madow ay cirka isku shareertay.

Balse weli si rasmi ah looma  oga khasaaraha dhabta ah, waxayse wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 qof ku dhinteen qaraxyadaa, iyadoo dhaawaca goobaha Caafimaadka la geeyay tiradooda lagu sheegay ugu yaraan 100 qof, sida laga soo xigtay saraakiisha gurmadka deg-dega ee caafimadka.

.Sidoo kale wuxuu burbur soo gaadhay xafiiska bisha Cas oo ku yaal meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay! waxayna Saraakiisha gurmadka ee caafimaadku  u daabulayaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah cusbitaalada, mana jirto cid weli sheegatay qaraxyadaa oo lagu tilmaamay kuwo aan baaxada ay lahaayeen mudooyinkii u danbeeyay laga maqal magaalada muqdisho oo inta badan Ururka Al-Shabaab ka fuliyaan magaalada muqdisho.