Diyaarada siday Wefdiga

Wefdiga Dalka Imaaraadka

Hargeysa(ANN)Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Maxamed Kit oo ka tirsan saraakiisha sare ee qasriga madaxtooyada Dalka imaaraadka carabta, ayaa maanta ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Berbera Airport.

wefdigaimaaraadka

Baashe iyo madaxa wefdiga UAE caption]

Sida lagu sheegay qoraal Madaxtooyadda Somaliland kasoo saartay booqashada wefdigaa, waxa lagu yidhi sidan:-

“weftiga ku soo dhaweeyey halkaasi Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Ambassador Baashe Cawil Cumar oo ay wehelinayaan Masuuliyiinta kala duwan ee Gobolka saaxil.

wufuuda isdaba jooga ah ee ka socda Imaaraadka Carabta ayaa in dhawaydba ku soo qulqulaayey dalka taasi oo salka ku haysa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo madaxweynuhu intii u xilka hayey uu dhawr jeer ku tegay socdaalo kala duwan imaaraadka carabta, isaga oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha isutaga Imaaraadka carabta, taas oo sababtay inuu xoogaysto wada shaqaynta iyo xidhiidhka wanaagsan ee aynu wada yeelanay.

Geesta kale safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliland mudane baashe cawil ayaa u muuqda mid dardargaliyey xidhiidhka labada wadan kaasi oo intii uu joogay xafiiskaasi ay Somaliland yimaadeen weftiyo kala duwan oo ka socda imaaraadku ay dalka yimaadaan gaar ahaan intii ay abaaruhu sameeyeen goboladda galbeedka iyo waqooyiga Somaliland. Sidaaa waxa lagu yidhi qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo lagaga hadlay booqashada Wefdiga Imaaraadka ee Somaliland.

weftiga waxa loo soo gelbiyey qasriga madaxtooyada Berbera ama Guriga martida, nasashada halkaas oo loogu sameeyey qado sharaf, ka dibna waxa halkaasi ka hadlay ambassador Baashe cawil oo u mahadnaqay masuuliyiinta weftiga hogaaminayay. ayaa sheegay inay ujeedadu tahay ka war haynta wixii ay ka qabteen baahiyihii madaxweynaha Somaliland u gudbiyey madaxweynaha imaaraadka carabta markii uu la kulmay iyo intii aan ka safiir ahaan joogayba wixii aanu ka codsanay ee ay ka mid ka ahaayeen baaqii abaaraha iyo biyaha oo hada si wanaagsan uga socda goobo badan oo dalka ka mida sidaa awgeed ayuu madaxweynaha imaaraadku u soo wakiishay sarkaalkan ka tirsan madaxtooyada imaaraadku inuu soo indha-indheeyo, isaga oo kula noqon doona dalkiisi wixii ay ina tareen inay shaqeeyeen iyo in kale.” Sidaaa waxa lagu yidhi qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo lagaga hadlay booqashada Wefdiga Imaaraadka ee Somaliland, kuwaas oo maalmahan ku sugnaan doona dalka, waxa la filaa inay soo kormeeraan goobo muhiim ah oo aan la shaacin.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews