Maxaa Kasoo Baxay Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wefdiga Qaramada Midoobay Iyo IGAD

 

Hargeysa(ANN)-Wefdi ka socda Qaramada Midooobay iyo Urur-goboleedka IGAD, ayaa booqasho ku yimi maanta Somaliland, kuwaas oo kulan qasriga Madaxtooyadda Somaliland kula yeeshay Madweyne Muuse Biixi Cabdi, ku –xigeenkiisa iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Network.

Qaar ka mid ah Wefdiga Qaramada Midoobay iyo IGAD ee booqashada ku yimi Somaliland oo Madaxweyne Muuse Biixi la kulmay 11 Nov 2018

Qoraal saxaafadeedka lagaga hadlay kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdiga ka socday Qaramada Midoobay iyo Urur-goboleedka IGAD, waxa ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, kaas oo  si kooban loogaga hadlay natiijada kulankaa oo aanay saxaafadu goob-joog ka ahayn.

 

War-saxaafadeedka oo dhamaystiran, ayaa u qornaa sidan:-“Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay wefdi ka kala socotay qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, ayaa waxa kala hoggaaminayey Ku-xigeenka wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Rai Zenenga iyo ergayga khaaska ah ee urur-goboleedka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Guyo, waxana ay labada dhinac kulankaas diiradda ku saareen arrimo door ah oo dhinacyada nabadgelyada iyo is-kaashiga ah.


Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Wefdiga Qaramada Midoobay iyo IGAD ee booqashada ku yimi Somaliland 11 Nov 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga ah ee ka kala socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, waxa ay sidoo kale si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa arrimaha bani’aadam-nimada, amniga mandaqada geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxana ay xubnaha weftigu madaxweynaha uga mahad-celiyeen sida uu ugu heellan yahay in xukuumadda uu hoggaamiyaa kor u qaaddo xidhiidhka ay leedahay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo ururrada kale ee mandaqadda.” Ayaa lagu qoraal saxaafadeedka oo aan lagu xusin arrimahaa xidhiidhka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Ururada kale ee ay sheegeen in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi kor u qaaday.

 

 

 

Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, waxa kulankaa Madaxweynaha ku weheliyey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland, ahna sii hayaha wasiirka waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), wasiirka cusub ee maaliyadda, ahna sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo ergayga Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan  midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

 

Dhinaca kale, booqashadda wefdiga ka socday Qaramada Midoobay iyo Urur-goboleedka IGAD, ayaa kusoo beegantay xilli ay mandaqada ka socdaan isbedelo siyaasadeed oo saamayn ku yeeshay gobolka Geeska Afrika, kuwaas oo ay hormuud u yihiin, saddex dal oo xubno ka ah Urur-goboleedka IGAD, sida Ethiopia, Eretria iyo Somalia, kadib Isbedelka Siyaasadeed oo horaantii sanadkan  ka dhacay Dalka Ethiopia, kaas oo sababay heshiis lagu soo af-jaray collaadii mudada dheer u dhaxaysay dalalka Ethiopia iyo Eretria, isla markaana u gudbay heshiisyo dhexmaray Somalia iyo Ethiopia, kadibna u gudbay dhinaca dalka Eretria.

Dhaqaaqyada siyaasadeed ee mandaqadda Geeska Afrika, ayaa noqday kuwo soo jiitay rayal caamka Bulshadda iyo dalalka daneeya arrimaha mandaqa, ayaa noqday kuwo bulshadda Somaliland si weyn u hadlayso, iyadoo aanay muuqan door siyaasadeed oo ay Somaliland ku leedahay dhaqdhaqaaqyadaa siyaasadeed.

 

https://youtu.be/YoIp_7jkF-8