wefdigataleexXaysimo(ANN)Wefdi ka socda Somaliland oo ka kooban Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa gaadhay maanta magaalada Taleex ee xarunta Gobolka Xaysimo.

Baashe Cali Jamac
Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo hoggaaminayay Wefdiga, ayaa sheegay in ujeedada wefdigu aanay ahayn arrimo siyaasadeed, isla markaana ay dhowaan Madaxweynaha Somaliland ka codsadeen in Ciidamada qaranka loo diro halkaa. Kadib markii dagaal dhexmaray laba dhinac oo dadka deegaanka ahjeeniyare.
Wasiir Baashe, wuxuu sheegay in xukuumadda masuuliyad ka saarantahay dadkeeda inay kala celiso iyo dalkeeda, sidaa awgeed wuxuu Madaxweynaha uga mahad celiyay go’aankii uu ciidanka qaranka u diray inay deegaankeeda iyo dalkeeda ilaashato, isagoo sheegay in siyaasiyiinta iyo xildhibaanada uu hoggaaminayo ee waqtigan gaadhay deegaanka ay xalinta dhibaatadii dhacday u yimaadeen.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah wefdiga, ayaa isna dhinaciisa sheegay in ujeedada ay halkaa u tageen tahay arrintii ciidanka qaranku u tegey dhowaan ee isku dhaca labada dhinac ee dadka deegaanka, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in nabad waarta laga hirgeliyo deegaanka Taleex oo uu noqdo mid nabdoon.

cabdirashiidxiirayGuddoomiyaha Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir) oo wefdiga kusoo dhoweeyay Magaalada Taleex, ayaa kormeer ay kusoo mareen magaalada gudeheeda kadib, wuxuu sheegay inay wefdiga kusoo dhowaynayaan isaga iyo Taliyayaasha Ciidanka ee ku sugan halkaa magaalada Teleex.
Guddoomiye Cabdirashiid Xiir, wuxuu sheegay in amniga gobolku aad u fiicanyahay waqtigan, isagoo xusay inay xubnaha wefdigu indhohooda kusoo arkeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.