Araweelo News Network

Jabuuti (ANN)- Wefti ka socda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu marti-qaaday ka qaybgalka xuska maalinta qarannimada ee waddanka Jabuuti, kuwaasoo sidoo kale dawladda Jabuuti gaadhsiiyey dhambaal hambalyo ah oo ay ka sideen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland.
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolojiga ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Cali Axmed Maxamed (Cali Dhegoole), ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Jabuuti oo ay kaga qaybgaleen xuska sannad-guurada 40aad ee ka soo wareegtay markii dalka Jabuuti xornimadiisa ka qaatay Faransiiska 27 June 1977-kii.
“Anniga (Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha) iyo Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cali Dhegoole, ayaa ka qaybgalnay xuska dabaal-dega sannad-guurada 40aad ee ka soo wareegtay markii uu dalka Jabuuti xornimada ka qaatay Faransiiska, markii aannu gaadhnay madaarka diyaaradaha ee Jabuuti si fiican ayaa na loo soo dhaweeyey, waxa naga horyimi waaxda baratakoolka, aad ayaanan ugu faraxsanahay arrintaas.” Sidaa waxa yidhi Wasiir Cali Xaamud Jibriil oo khadka telefoonka ugu warramay Jamhuuriya xalay isagoo ku sugan magaalada Jabuuti.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa aannu madaxda iyo dawladda Jabuuti gaadhsiinay fariin dhambaal ah oo aannu ka sidnay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha iyo shacbiga reer Somaliland, kuwaasoo dawladda Jabuuti si xoogan ugu hambalyeeyey maalinta xornimadooda, kuna ammaanay horumarka iyo wanaaga ay ku tallaabsadeen muddada 40-ka sanno ah ee ay madaxbannaanida haysteen.”
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, ayaa sidoo kale sheegay in marti badan oo ka socday dalalka Afrika, gaar ahaan wadammada Geeska Afrika iyo beesha caalamku ay goob-joog ka ahaayeen xuska maalinta qaranka Jabuuti oo si weyn looga xusay dalka Jabuuti Salaasadii shalay.
“Shacbiga reer Somaliland iyo kuwa reer Jabuuti waa bulsho walaalo ah, ehel iyo qaraabo ah, isla markaana deris ah, wanaag iyo horumar ayey isla jecel yihiin, wixii horumar ah ee u soo kordha Somaliland waa wax u soo kordhay Jabuuti, wixii wanaag ah ee u soo kordha Jabuuti-na waa wax u soo kordhay Somaliland, markaa waannu ku hambalyeynaynaa maalinta qarannimadooda,” ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil.
Weftiga dawladda Somaliland uga qaybgalay maalinta madaxbannaanida Jabuuti, ayaa la filayaa inay caasimadda Hargeysa dib ugu soo laabtaan gelinka hore ee Arbacada maanta, haddii Ilaahay yidhaah.