axmed siciid maxamed
Hargeysa(ANN)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa Warbixin ka soo saaray Xadhiga Weriye Axmed Siciid Maxamed oo ka hawlgala Telefishinka Kalsan, kaas oo shalay lagu xidhay Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Qoraal saxaafadeed Ururka SOLJA, kasoo saaray xadhiga weriyahaa, waxay ugu baaqeen xukuumadda in xoriyadiisa loo soo celiyo, wuxuuna qoraalkaa oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) u qornaa sidan:-
‘Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda iyo masuuliyiinta kale ee bixiyey amarka xadhiga wariye Axmed Siciid Maxamed oo ka shaqeeya Telefishanka Kalsan in ay xorriyadiisa u celiyaan isla markaana u maraan nidaam sharci ah Dacwadiisa.
Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa talaabo kasta oo suurtogalinaysa in Dacwadaha Wariyayaasha aan lagu deg degin isla markaana la tixgaliyo in qabashadooda loo maro Hay’addaha Garsoorka si waafaqsan xeerka Saxaafadda Somaliland iyo Dastuurka Qaranka.
Ururka SOLJA waxa uu ka xun yahay in qabashadiisa Ciidanka ilaalada Dekeddu u maraan nidaam ka baxsan sharciga iyagoo Saq dhexe ku garaacay gurigiisa, isla markaana uu illaa hada ugu xidhan yahay Dekedda dhexdeeda, kadib markii uu Wariyuhu u tagay subaxnimadii.
SOLJA waxay diyaar u tahay in ay gacanta ku qabato Eed kasta oo laga tirsado Wariyayaasha ka hor intaan lagula kicin xadhig, si loo ilaaliyo sumcadda dhanka xorriyatul Qawlka ee ay S/land ku dhex leedahay Gobolka iyo beesha caalamkaba.
SOLJA marnaba raali ka noqon mayso in wariye ku xad-gudbo maslaxadda Qaranka, xuquuqda Masuuliyiinta iyo ta Bulshada toona , sidoo kale-na ma aqbalayso in Hay’adaha ammaanku kula kacaan Tacadi waxyeelaya karaamadda iyo sharafta Suxufiyiinta Dalka.
Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda ku bogaadinayaa sida ay u fududaysay kiisaskii ugu danbeeyey ee dhex maray Wariyayaasha iyo Xukuumadda, kuwaas oo labada dhinacba ay ku lug lahaayeen khaladaadkii dhacay.
Ugu danbayn SOLJA waxay ugu baaqaysaa Xukuumadda in Wariye Axmed Siciid Maxamed Xorriyadiisa usoo celiso, anaga oo Ogsoon dedaalkii Masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta Somaliland u gashay shalay furdaaminta xadhiga wariye Axmed Siciid.”ayaa lagu yidhi qoraalka Ururka SOLJA.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews