Araweelo News Network

weriyemuqtaarWajaale(ANN)Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo u dhashay Somaliland, isla markaama ka hawlgeli jiray mid ka mid ah Telefishanada Madaxbanaan ee Somaliland ayaa loo celiyay Xoriyadiisii. kadib markii Maamulka Kililka shanaad ee Ethiopia u xidhnaa tan iyo badhtamihii bishii hore.
Dadka deegaanka Wajaale iyo Gebilay ayaa si Balaadhan usoo dhoweeyay soo deynta Weriyaha oo xoriyadiisa loo celiyay maanta. kadib markii Xukuumadda Somaliland u dirtay Wefdi xubno wasiiro ah iyo Haweenayda Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland, kuwaas oo ku guulaysatay inay maamulka Kililka Shanaad kasoo daayaan Weriye Mukhtaar oo muddo Bil ah ku xidhnaa magaalada Jigjiga.