Araweelo News Network

Xamza Sheekh Osama Bin Laden

Xamza Sheekh Osama Bin Laden

Hargeysa(ANN)Wiilka Curad ee uu dhalay Sheekh Osama Bin Laden ayaa ugu baaqay Bulshada Sucuudiga inay iska hurgufaan xukunka qoyska Boqortooyadda Sucuudiga ee Alla –sacuud, Xamza Osama Bin oo ka hadlayay xaaladda dhulka Jaziiradda carabta gaar ahaan dalka Sacuudiga, wuxuu sidaa ku sheegay hadal maqal ah oo lagu baahiyay mid ka mid ah baraha dhinaca Internetka ee Al-saxaab garabkeeda warbaahineed ee Al Qaacida.

Wiilka uu dhalay Bin Laden ayaa dhawaaqiisa ku ammaanay qabaa’illadda Jaziiradda Carta ee ay kasoo jeedaan asaxaabtii nabiga NNKH, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen geesiyaal.

Xamza Osama Bin Laden ayaa weerar kulul oo dhanka afka ah ku qaaday xukuumadda Sacuudiga, isagoo ku eedeeyay in ay reer galbeedka kula saaxiibtay kheyraadka muslimiinta. Sidaa awgeed wuxuu Shacabka ku dhaqan Sacuudiga ayuu ugu baaqay in ay bilaabaan kacdoon hor leh oo ay iskaga dulqaadayaan nidaamka qoyska Al-Sacuud.

“Ehelkeyga dhulka Xarameynkoow waxaan idinku dhiiri gelinayaa in aad ku kacdoontaan nidaamka Faasidka Ala -Sacuud ee idin dhibaateeyay”ayuu yidhi Xamza Bin Laden.

Wiilka uu dhalay Sheekh Usaama wuxuu sidoo kale Xukuumadda Sacuudiga ku eedeeyay inay astaan u noqotay dulmi, dhuqyaan iyo inay gashay Mukhaalafaad Sharci ah oo waaweyn, wuxuuna xusay in farriintiisu ay timid kadib markii ay fashilmeen dadaallo ay sameeyeen dad Culimo iyo Akhyaar ah, kuwaas oo farriimo iyo Naseexooyin kala duwan u diray Nidaamka Ala Sacuud, balse lagala hor yimid diidmo, xarig, cabudhin iyo tacdbiin.

Xamza Sheekh Usaama Bin Laadin wuxuu sheegay in Siyaasadda Al-Qaacidda ee marxaladdani ay tahay inaan la beegsan Ciidamada Dowladda Sacuudiga, balse haddii howl-gallo iyo weerarro la sameynayo lagu koobo oo kaliya dadka Ameerikaanka ah iyo kuwa reer galbeedka ah ee ku sugan dhulka Sacuudiga.

“Waxaan ku baaqeynaa in lagu kacdoomo Wakiillada Mareykanka ee xoogga ku heysta halkii uu kusoo dagay Waxyiga iyo dhulkii barakeysnaa, waa inay kacdoon ballaadhan ku kiciyaan Qoyska Mujrimka ah ee xukuma dhulkaas, kuwaas oo dhulka Bilaadul Xarameynka ka dhigay boqortooyo la mid ah tii Kisraa iyo Qeysar”. ayuu yidhi Xamza.

Curadka Sheekh Osama Bin Laden ayaa soo hadal qaaday, wuxuu ugu yeedhay guul darrada foosha xun ee ciidanka Sacuudiga kasoo wajahday dagaalka wadanka Yemen isagoo carrabka ku adkeeyay in xukuumadda Ala Sacuud aanay difaaceyn dhulka Barakeysan taas bedelkeedna ay cadawga soo gelinayso dhulka muqadaska ah.

Wuxuu soo hadal qaaday weerarada isdaba joogga ah ee maleeshiyaadka Xuuthiyiintu ka geysanayaan gudaha Sacuudiga iyo fashilka wadahadaladii siyaasadda Kuwait isagoona xukuumadda Sacuudiga dusha uga tuuray dhibaatada Yemen ka jirta.

“wadanku wuxuu u baahanyahay isbedel iyo in larido nidaamka budhcadka dambiilaha weyn ee wakiilka ka ah Mareykanka waa in saliibiyiinta laga xureeyo mahbadka qur’aanka oo safawiyiinta laga difaaco dhulka xarameynka kadibna aan dhisno nidaam islaami ah oo shareecada islaamka soo roga waa nidaam caadil ah”ayuu yidhi, Xamza Bin Laden.

Wuxuuna ku booriyay shacabka muslimiinta ee ku dhaqanka Jazeeradda Carabta kacdoon horleh, isagoo yidhi, “Muslimiinta Jaziiradda carabta ku dhaqan dhammaantiin waa in aad isbedelka uga qeyb qaadataan carrabkiina, iclaamka,qaalinkina iyo Twitts-kiina”.

Dhinaca kalena Xamza Sheekh Usaama Bin Laadin wuxuu ammaan iyo bogaadin u diray dagaalyahanada Al-Qaacidda ee dhulka Jaziiratul Carab, sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dadka ay doon dooneyso Dowladda Sacuudiga ee loo heysto Qaddiyaha Jihaadka ku saabsan inay u baxaan dalka Yemen, islamarkaana ay ku biiraan Mujaahidinta halkaas ka dagaallama.