dilkaxildhibankaNairobi(ANN)Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo la odhan jiray George Muchai, ayaa lagu dilay badhtamaha magaalada Nairobi gelinkii hore ee shalay, iyadoo sidoo kale lala dilay darawalkiisii iyo laba ka mid ah ilaaladiisii.
Saraakiisha booliska Kenya, ayaa sheegay in koox aan ilaa hadda la aqoonsan, afkana duubtay ay rasaas ku fureen baabuur uu la socda xildhibaanka la dilay oo marayey badhtamaha caasimadda Nairobi, halkaasoo sidoo kale lagu dilay darawalkiisii iyo laba ilaaladiisa ahayd, iyadoo kooxda dilkaas fulisayna baxsadeen, laguna raad joogo sidii gacanta loogu dhigi lahaa.
Sida boolisku sheegay xildhibaanka la toogtay, ayaa ka soo laabtay kulan qoyskiisu lahaayeen, waxaanna baabuurka lagu dilay daba socday gaadhi kale oo ay wateen xubno qoyskiisa ah oo ay ku jireen xaaskiisa iyo gabadh uu dhalay, iyadoo falkaas dilka ahna naxdin xooggan ku riday baarlamaanka Kenya.
“Markii rasaasta lagu furay gaadhiga, waanu yara hakannay, laakiinse in yar kadib ayaan u dhaqaaqnay dhinicii baabuurka uu watay xildhibaanku, waxaanan aragnay maydkiisa iyo dad qof oo kale oo mayd ah, kalana ahaa darawalkiisii iyo laba ilaaladiisa ahayd.” Sidaa waxa yidhi qof ka tirsan qoyska xildhibaanka la dilay oo saxaafadda la hadlay.
Waxa boolisku sheegtay in xildhibaanka iyo saddexda qof ee kale dhammaantood laga toogtay madaxa iyo laabta, kuwaasoo isla goobta falku ka dhacay ku geeriyooday, maydkoodana waxa qaaday booliska oo wada baadhitaano lagu ogaanayo cida ka dambaysay dilkaas.
Xildhibaanno badan ka tirsan baarlamaanka Kenya, ayaa gaadhay goobta dilku ka dhacay, waxayna dawladda Kenya iyo hay’adaha ammaanka ka dalbadeen in si degdeg ah baadhis loogu sameeyo falka lagu dilay xildhibaanka ku jiray baarlamaanka, kana soo baxay xisbiga isbahaysiga ah ee madaxweynaha Kenya ka soo jeedo.
Waa markii u horraysay muddooyinkii u dambeeyey ee xildhibaan baarlamaanka Kenya ah lagu dilo badhtamaha magaalada Nairobi, iyadoo aanay jirin cid si rasmi ah u sheegatay falkaas dilka ah, balse ururka Al-shabaab ayaa hore falal isugu jira dil iyo qaraxyo ka fuliyey gudaha Kenya oo ay ku jirto caasimadda Nairobi.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com