araweelonews-300x168Hargeysa(ANN)Magaalada Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa saaka ku waaberiisatay jaw ka duwan kii xalay magaaladu ku kala hoyatay, waxa  saaka wadooyinka waawyn ee  magaalada lasoo dhobay ciidamo Boolis ah, kuwaas too gaadiidadka  iyo dadka laba lugoodka ah  u diiday I nay maraan jidka laamigamuhiimka ah ee Madaxtooyada horteeda mara’

Arritan is bedelka jawiga càasimada Hargeysa, ayaa ka danbeeyay. Kadib mudaharaad uu ku baaqay xisbiga ugu weyn mucaaradka we WADDANI, kaas too ka digay in xukuumadda muddo-kordhin sanad ka baddan loo sameeyo.

Dhinaca kale golaha guurtida ayaa sàaka ku dhwaaqaya go,aanka muddooyinkan la hadalhayay we muddo.-kordhinta, iyadoo xildhibaanadu kaso xaadireen saaka golaha , island markaana saacadaha soo socda laga filayo inay soon saaraan go,aanka muddo.-kordhinta.

Wixii kasoo kordha Kayla soco shebekada Araweelo News Network