araweelonews-300x168Hargeysa(ANN)Xaalada magaalada Hargeysa ayaa is bedeshay saaka. Kadib markii any saaka ku wàaberiisteen ciidamada Booliska oo lasoo dhoobay magaalada I yo Hutelada waaweyn ee Caasimada.

Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii mucaaradku ku baaqeen shir qaran, taas oo xukuumadu ku tilmaamantay mid aan qabashadiisu waafaqsanayn Dastuurka dalka, balse mucaaradka ayaa markaa kadib u gudbiyay maxkamadda sare dacwad la xidhiidha arrintaa, waxayna maxkamadda sare soo saartay saaka go,aan ku Saab San dacwada oo ay ku sheegtay inay xaq u leeyihiin I nay qabsadaan si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.
Maxkamada ayaa sidoo kale ku amartay in dhinacyada doorashadu khusaysaa deg deg usoo afjaraan muranka ka taagan.