“Madaxweynaha Somaliland Waxaan Usoo Jeedinaynaa Saddex Tallo Oo Degdeg Ah” Guddoomiyaha KAAH Maxamuud Xaashi
Boorama (ANN)- Xaaladda Boorama ayaa weli sii socota waxaana muuqta in aan weli wax isbedel ah ka dhacin rabshadaha xalay ka bilaabmay ee ka dhashay go’aanka xukuumaddu ku fasaxday bandhiga xeerka Ciise.
Rabshadaha ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo 12 qof la xaqiijiyay in ay dhinteen, halka ay soddoneeyo gaadhayaan dhaawacyadu, waxaana ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska oo dhawaaqiisu uga sii daray Xaaladda,” Amaanka gacanta ayaan ku qabanaynaa, mana aqbalayno nabadgelyadaro” Taliyaha Booliska Somaliland, wxuu sheegay in xaflada Buugga lagu qabanayo Saylac aannay jirin sabab loogu gubo Bootama.
Waxa dhankooda ka hadlay xaaladda Odayaasha madaxdhaqameedka gobolka Awdal sheegeen in arrimahan ay ka hadlayaan maalinta beri ah, waxayna canbaareeyeen arrimaha socda.
Dhinaca kale, waxa si adag uga hadlay arrintan Xisbiga Mucaaradka ee KAAH, oo si weyn xukuumadda ugu dhaliilalay go’aanka deg-dega ah ee sababay rabshadaha aan la hubin natiijadooda,
Guddoomiyaha Xisbiga KAAH, Maxamuud Xaashi ayaa maanta ka hadlay arrintaa, isagoo ay hareera joogaan qaar ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga. Guddoomiye Xaashi, wuxuu sheegay innay waxa dhacaya ee ka socda Boorama ay yihiin wixii ay ka digayeen oo ay xukuumadda hore ugala taliyeen.
La xidhiidha: Rabshadaha Ka Bilaabmay Boorama Oo sababay Khasaare Nafeed Iyo Dhismayaal La Gubay
“Waxaan marka hore tacsi tiiraanyale u diraynaa shacbiga Boorama, waxaan usoo jeedinaynaa saddex qodob oo deg-deg ah, Madaxweynaha inuu arrinta ka hadlo oo bulshada la hadlo, Boorama waa Kuruska iyo Baarka Jamhuuriyadda Somaliland, may mudnayn maanta inay waxaas ka dhacaan, Madaxweyne tallada iyo go’aanka waxa horeeya tallada, waxaad horaysiisay go’aankii, taasina maaha siyaasad ku dhisan aragti sax iyo qorshe cilmiyaysan.” ayuu yidhi. Guddoomiye Xaashi.
La xidhiidha: Xukuumadda Somaliland Oo Fasaxday Bandhiga Buugga Xeer Ciise Iyo Xiisaddo Ka Aloosmay Boorama
Somaliland waxay jirtaa marxalad adag oo cadaw baddan oo dibadeed , waxay u baahantahay tudhaale, ayuu yidhi, wuxuuna ku tilmaamay siyaasadda loo adeegsaday gobolka Awdal inay tahay mid aan aragti iyo qorshe sugan aan salka ku hayn, iyadoo marna fasaxday marna joojisay bandhiga Xeerka., ayuu raaciyay.
Dhinaca kale, Xisbiga mucaaradka ee KULMIYE, ayaa dhankiisa ka hadlay arrinta Magaalada Boorame, waxayna ku tilmaameen nasiibdaro aan loo baahnayn in dad shacab ah ay inagaga dhintaan. Guddoomiyaha KULMIYE, Maxamed Kaahin oo ka hadlay xaaladda ayaa usoo jeediyay xukuumadda in si dhab ah loo waajaho mushkilada kasoo cusboonaatay.
La xidhiidha: Xukuumadda Somaliland Oo Fasaxday Bandhiga Buugga Xeer Ciise Iyo Xiisaddo Ka Aloosmay Boorama
Muuqaalka Dhawaaqa Xisbiga KAAH halkan ka eeg.
Taliyaha Booliska Oo Ka hadashay Xaaladda Boorama


