Boorama (ANN)- Xaaladda Magaalada Boorama oo maalmihii u danbeeyay ku jirtay xaalad amnidaro oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayaa gashay jawi ka duwan kii ay ku jirtay maalmihii lasoo dhaafay.
Bulshada Magaalada ayaa shalay galab bilaabay sidii ay u nadiifin lahaayeen Magaalada oo wadooyinka lagu daadiyay dhagxaan iyo Taayiro lagu gudbay jidadka muhiimka ah .
Sida ay Araweelo News Networl u xaqiijiyeen dad kala duwan oo ka mid ah Bulshada Magaalada Boorama. Waxay dadweynuhu dib u bilaabeen nolloshooda, iyagoo ku laabtay shaqooyinkooda.
Sidoo kale, waxa dib loo furay goobbaha ganacsiga oo xidhnaa maalmihii u danbeeyay, kuwaas oo inta baddan maanta dib u guray goobbaha ganacsiga iyo suuqyada Magaaladda, marka laga reebo meherado koobban oo la filayo inay furaan maalmaha soo socda.
Goobbaha Waxbarashadda ayaa iyagana dib loo furay. Waxayna qaar ka mid ah Ardaydu u sheegeen Warbaahinta maxaliga ah in ay ku faraxsan yihiin inay dib u bilaabeen Waxbarashadooda.
Go’aankii u danbeeyay ee Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ku joojiyay go”aankii ay xukuumaddu ugu fasaxay bandhiga Buugga Xeer Ciise oo istaadhay mushkilada Boorama.
Hase yeeshee Go’aanka lagu joojiyay ayaa xaaladda dejiyay, iyadoo koox salaadiin. Madaxdhaqameed iyo waxgarad u tageen gurmad si rabshadaha loo joojiyo, kuwaas oo usoo jeediyay Xukuumadda inay ka laabato go’aanka sababay rabshadaha, si markaa kadib wixii khilaaf ah looga wada hadlo.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv


