yemen1Sanaa(ANN)Xaaladda Caasimadda Dalka Yaman ee Sancaa, ayaa faraha ka baxday . kadib markii saaka waarberigii kooxda malayshiyadaXuutiyiintu maadaafiic ku garaaceen Qasriga Madaxtooyadda oo ay xiligaa kulan ku lahaayeen Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, iyagoo markaa kadibna qabsaday Telefishnka Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee magaalada.
Shaaracyada iyo wadooyinka magaalada waxa hadheeyay dagaalka Xuutiyiinta ooh ore dhamaadkii sanadkan fursad u helay inay gacanta ku dhigaan inta baddan Xeryaha Ciidamadda iyo Hay’addaha Muhiimka ah ee Dawlada Sep 2014, balse mar kale ayay xiisada dalka Yaman dib u bilaabantay saaka waaberigii.
Madaxweynaha Dalka Yaman Cabdurabo Mansoor Al-Haadi ayaan wax war ah laga hayn halka uu ku danbeeyay, balse wasiirka wasaaradda warfaafinta, ayaa u sheegay in Madaxweynuhu weli ku jiro caasimadda, isla markaana Wasiiradu ku sugan yihiin guryohooda oo ay xaalada dhawrayaan.
Xuutiyiinta, ayaa ku gacan saydhay inay wax wada hadal ah la galaan oo ay dagaalka joojiyaan.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com