Yaman1Sanaa(ANN)Malayshiyada Xuutiyiinta ee la wareegay awooda gacan ku haynta Dalka Yaman,kadib markii ay si rasmi ah ula wareegeen qasriga Madaxtooyada 20 January 2015, ee ay is casishay Xukuumaddii Madaxweyne Cabdurabo Mansoor Al-Haad, ayaa kala diray Baarlamaanka dalka, iyagoo sheegay inay sameeyeen gole ku meel gaadh ah oo waajihi doona sidii nidaam dawli ah iyo dib u heshiisiin looga samayn lahaa dalka.

 

 

Ergayga Qaramada Midoobay u wakiilatay arrimaha dalka Yeman Mr. Jamal Benoma, ayaa ku guuldaraystay in uu dhinacyada siyaasada ee dalka Yaman isu soo dhoweeyo, wuxuuna lafihiisa ula cararay dhinaca dalka Sucuudiga, waxayna qaramada midoobay digiin debecsan u dirtay Xuutiyiinta, iyagoo uga digay in aanay ka leexin dalka dhabihii dumuqraadiyada oo ay ku laabtaan dhabaha wada hadalka.
Malayshiyada Xuutiyiinta, ayaa maalmihii u danbeeyay u qabtay sadex maalmood inay dhinacyada siyaasadu kasoo qaybgalaan kulan heer qaran ah, kaas oo markii waqtigiisu dhamaaday ay gebi ahaanba kala direen Baarlamaanka Dalka Yaman, iyagoo sameeyay gole ku meel gaadh ah oo ay maamulaan, kaas oo ah 5xubnood. sidoo kalena waxay sheegen inay soo dhisayaan gole Baarlamaan oo gaadhaya 511, balse mudaharaadyo waaweyn oo lagu diidanyahay tallaabada Shiicadu ku kal dirtay Baarlamaankii dalka, ayaa ka dhacay Magaalooyinka Sanca, Aden, Ticiz, Xadramoot iyo meelo kale, waxaana qaybo ka mid ah mudaharaadyaasha dhinaca Magaalada Sanca Xabsiga loo taxaabay.
Xiisada Dalka Yaman, ayaa si weyn looga cabsi qabaa tan iyo markii ay Malayshiyada Shiicadda ee Xuutiyiintu qaab inqilaab ah ula wareegeen talada dalka, iyadoo Madaxweyne Cabdurabo Mansoor Al-Haadi oo ay khasab ku noqotay inuu is casilo ku jiro xabsi guri magaalada caasimada ah ee Sanca. Sheikh Saleh al-Anjaf oo ka mid ah dadka deegaanka Marib oo ah ceelka ugu weyn ee Saliida Yaman, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP news agency, in aanay aqbalayn, wuxuu ugu inqilaabka ka dhacay dalka ee Sanca.
Dagaalyahanka Xuutiyiinta, ayaa hore ugu macneeyay qabsashada Qasriga Madaxtooyada , Warbaahinta Dawlada, xarumaha dawlada iyo xeryaha Milateriga mid ka dhalatay dhibaato iyo dulmi ay ka tirsanayeen xukuumadda Cabdurabo Mansoor, waxayna ku eedeeyeen xukuumadda mid musuq-maasuq hadheeyay, isla markaana fulin weyday heshiiskii hore loo gaadhay ee la doonayay in xaalada lagu dejiyo, kaas oo sida ay sheegeen ahaa in lagu sameeyo dawlad awooda iyo xukunka lagu qaybsado.
Hase syeehee Madaxweynaha Is casilay, ayaa waqtigaa sheegay in heshiiskii hore loo gaadhay ka hor intii aanay xuutiyiintu qabsan Madaxtooyadda 20 January 2015, dhinacooda ka fuli waayay.
Malayshiyada Xuutiga oo taageero ka helaya Dalka Iran iyo Jabhada Awooda baddan ee Xusbulaah iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdala Saalax oo awood baddan ku lahaa ciidamada, taas loo arkayay mid wax baddan u fududaysay inay Malayshiyada Xuutiyiintu gebi ahaanba la wareegaan xeryaha ciidamada Sep 2014, waxayna markaa ka dib si toos ah ula wareegeen xarunta Madaxtooyadda Yemen iyo dhamaan Hay’addaha dawlada.
Xaaladda Caasimadda Dalka Yemen ee Caasimadda Sancaa, ayaa faraha ka baxday. kadib markii Malayshiyada Xuutiyiinta si lama filaan ah ula wareegeen qasriga Madaxtooyada Isniintii 19 Janeaury 2015, iyadoo dalalka Maraykanka iyo xulufadiisu indha ka lalinayeen wax aka dhacaya Sanca oo waqtigan gaadhay meel adag.

Xiisada ka aloosantay Dalka Yaman, ayaa si weyn cabsi ugu beertay Dalka ay jaarka yihiin ee Sucuudiga, waxayna kusoo beegantay geerida Amiirkii Dalka Sucuudiga Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al- Sucuud, oo xijaabtay Jimacihii 23 Janury 2015, taas oo fursad weyn siisay inay Iran iyo Xisbulaah xoojiyaan awooda siyaasadeed iyo milateri ee shiicada laga tirada baddanyahay ee Yaman.
Dhinaca Koonfurta Dalka Yaman, waxayna arrintaasi sababtay in Cadan lagaga dhawaaqo go’aan ah inay mar kale ka noqotay midawgii ay kula jirtay Yementa Woqooyi ee sagaashanaadkii, isla markaana aanay marnaba aqbalayn awaamiirta xuutiyiinta la wareegay xukunka ee daaqada ka saaray nidmaadkii dawlada la afgenbiyay ee Cabdiraboo Mansoor iyo Baarlamaankii dalka.

Yaman, waxay hadda u muuqataa inay waajahday jidkii Somalia ee Bur-burka, waxaana jira loolan siyaasadeed oo aanay ka madhnayn wadamo shisheeye iyo kooxo ay hormood u yihiin Shiicada taageerada ka helaya Iran iyo Xisbulaah, iyadoo dhinaca kalena Dalka Yaman hoy u noqday Kooxaha Al-Qaida ee gasiirada carabta, kuwaas oo Diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn saacadihii lasoo dhafay ku qaadeen Al-bayda, iyadoo sheegay inay ku dileen sarkaal sare oo Al-Qaida ah.
Si kastaba ha haatee waxa muuqata cabsi weyn oo kasoo korodhay isbedelka dalka Yemen, kaas waqtigan kusii jeeda, ama looga cabsi qabo inuu waajaho fawdo, isla markaana uu maro wadadii Somalia ee burburka iyo dagaalada ehliga ah ee daba dheeraaday, iyadoo xaaladu wixii hadda ka danbeeya isu bedelayso nidaam qabali ah iyo sheekhyada ka taliya deegaamada qabaa’ilku dhaleeceeyaan tallaabada cusub ee Malayshiyada Xuutiyiintu ku inqilaabtay dalka.
Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com