Hargeysa(ANN)-Maamulihii Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim, oo ka mid ah haldoorka waxbarashada iyo tacliinta Somaliland tusaalaha wanaagsan u ah, isla markaana ah Aasaasaha Dugsiyada caanka ah ee Nuuradiin Schools, ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen weerar loogu geystay Masjid ku yaal Magaalada Hargeysa.

Maamule Mahad oo markii la maqlay warka sheegaya in weerar loo geystay ee lagu arkay baraha Bulshada si weyn looga naxay, ayaa la sheegay in falka weerarka dhaawacyada loogu geystay uu sameeyay nin hore uga tirsanaan jiray  macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin, kaas maamule Mahad ku weeraray  masaajid dhexdii isagoo ku gudo-jira tukada Salaadda Maqrib Fiidnimadii habeenkii Jimcaha .

Maamulaha Guud isla markaana ah Aasaasaha Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim

Qofka Maamule Mahad ku weeraray Masjidka, ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee uu falkaa fooshaxun ugu quudhay ee keentay weerarka in uu ninkaasi ku qaado ee dhaawacyada u gaadhsiiyey Guddoomiye Mahad Ibraahim, haseyeeshee waxa xaaladdiisa caafimaad iyo qaabka wax u dhaceen faahfaahin ka bixiyey Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Ismaaciil Maxamuud Cakuus oo qaar ka mid ah warbaahinta isgaadhsiinta telefoonka ugu warramay.

Maamule Ismaciil Cakuus waxa uu sheegay inay wanaagsan tahay xaaladda caafimaad ee Xaaji Mahad Ibraahim oo dhaawacyo fudud ka soo gaadheen madaxa kaddib markii uu weeraray mid ka mid ah macalimiintii hore uga soo shaqeeyey dugsiyada Dugsiyada Nuuraadin, kaas oo weeraray xilli uu salaaddii Maqrib ee ku tukanayey Masjidka Shaafici oo ku yaala agagaarka xaafadda Boqol iyo Kontonka (150-ka) ee degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa.

Maamule Ismaaciil oo ka hadlayey su’aal laga weydiiyey xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha Nuuradiin Schools iyo sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi, “Walaal, xaalada Caafimaad Ee maamulka guud ee dugsiyada Nuuraadiin Xaaji Mahad aad ayay u fiican tahay, Galabka ayaa isagoo Salaaddii Makhrib ku tukanaya Masaajidka Shaafici waxaa weeraray nin Dusgiyada Hoose Dhexe ee Nuuraadiin macalin ka ah,  kaasi oo dhaawacyo fudud ka soo gaadhsiiyay madaxa xili uu Salaaddii Makhrib ku tukanayay, xaaladdiisa caafimaadna way fiican tahay, mana jirto wax laf ah oo jaban, Alxamdulillah wuu talinayaa, aad ayuuna u fiican yahay”.

Maamulaha Nuuradiin Schools, Ismaaciil Maxamuud Cakuush

Maamulaha Dugsiyada Nuuraadiin Ismaaciil Cakuush waxa uu sheegay in ciidammada ammaanku gacanta ku hayaan Ninka macalinka ah ee dhaawacyada  u gaystay Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin isla markaana uu xidhan yahay, wixii baadhis ah iyo sida xaqiiqadu tahayna ay baadhis ku hayaan ciidammada ammaanku oo laga war sugi doono natiijada baadhitaankooda.

Dhinaca kale, maamulaha Dugsiyada Nuuraadin waxa uu farriin u diray shacabka Somaliland gudo iyo dibadba ee ka xumaaday markii ay maqleen falkaa fooshaxun iyo gaar ahaan Ardayda Dugsiyada Nuuraadiin oo uu ku wargalinayay in xaaladda Caafimaad ee Xaaji Mahad ay aad u fiican tahay.