Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist
New York(ANN)-Xaaladda Dalka Maraykanka, ayaa si weyn isu bedeshay, kadib markii ay diibadbaxayaal cadhaysan gilgileen magaalooyinka Maraykanka qaarkood, waxayna arrintan sababtay in la xidho Aqalka cad, iyadoo laga cabsiqabo inay arrimaha amaanku faraha ka baxaan.

Dadka Mudaharaadaya, ayaa ka cadhooday dib fool-xun oo Askari Booliska Minnesota u geystay  George Floyd  oo ka mid ahaa dadka Madawga ah ee Maraykanka, waxayna arrintan sababtay in booliska iyi mudaharaadayaashu isku dhacaan Minnesota, isla markaana dab la qabadsiiyo meherado ganacsi, balse xaaladda ayaa sii xumaatay markii mudaharaadyada rabshadaha wataa gaadheen magaalooyin badan oo ku yaalla Maraykanka, kadib markii laga cadhooday jawaabta laga bixiyay dilka Ninkaa madawga ah ee aan hubaysnayn oo Askari ka tirsan booliska magaalada Minneapolis gacantiisa ku baxay, iyadoo muuqaalo lagu duubay markii ay arrintan dhacaysay lagu  baahiyay Baraha Bulshada.

Warbvaahinta Maraykanka, ayaa baahiyay magaalooyinka New York, Atlanta iyo kuwo kale oo rabshaduhu sii kordheen, waxaana si ku meel gaadh ah loo xidhay Aqalka Cad markii dibadbaxayaashu soo biixiyeen barxada hore ee Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka, iyadoo Ilaalada Madaxweyne Trump, Albaabada laga galo iyo kuwa laga baxo ee Aqalka Cad gebi ahaanba xidheen.

Masuuliyiinta, ayaa goor danbe shaaciyay in ay xilka ka qaadeen, isla markaana la xidhay Askariga Booliska Minnesota ee geystay dilka George Floyd ee dilkiisu sababay rabshada iyo gedoodka kusii baahaya magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka, waxayna saraakiishu sheegeen in Askarigaa dilka fool-xumada ah sameeyay oo si rasmi ah loogu soo oogay in uu geystay dambi dil ah.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota, ayaa masiibada dilka George Floyd ku tilmaamay inay isu bedashay “rabshado si ula kac ah loo samaynayo”

George Floyd,wuxuu ahaa 46 jir Madawga Maraykanka ah, waxayna ahayd  Isniintii markii la shaaciyay inuu geeriyooday, iyadoo markaa ka hor baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal dhawr  daqiiqo soconayay oo uu ka duubay qof dhacdadaasi goob joog u ahaa, kaas oo mujinayay Askari boolis caddaan ah oo luqunta jilibka kaga hayay Floyd.isagoo ku qaylinaya “Naqaska ayaa I haya, ma neefsankaro”

Reuters Image caption Gaari ay leeyihiin booliska oo lagu gubay Atlanta, Georgia

Booliska ayaa sunta dadka ilmeysiisa u adeegsaday dibadbaxayaasha, iyadoo la arkayay ganacsiyo la boobayo magaalooyinka qaarkood, waxayna xilligan banaanbaxyada rabshadaha wataa ku baaheen Chicago, Illinois, Los Angeles, California, iyo Memphis,Tennessee.

Dilka Floyd, ayaa sii kiciyay cadho hore uga dhalatay qaabka ay Booliska Maraykanku ula dhaqmaan dadka Madaw, iyadoo xilligan cunsuriyada Maraykanka si weyn mar kale usoo ifbaxday, xilligan Madaxweyne Trump iyo ka horba.

Balse Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlay arrintan, ayaa ku macneeyay “dhacdo xun” waxa kale oo uu soo qaaday qoyska qoyska Floyd oo uu ku tilmaamay “dad cajiib ah”

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka hore usoo dhigay hadal dadka ka si cadhaysiiyay kaas oo u muuqday inuu dhiiragelinayo qalalaasaha, isagoo yidhi, “Haddi wax la dhaco, toogashada ayaa xigta” waxaana hadalkaa loo arkay mid hanjabaad ah.

Dhinaca kale, Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baadhitaannada ku saabsan dhacdadaas, isagoo dhanbaal tacsi ah u diray qoyska iyo eheleada George Floyd.

“Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baadhitaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baadhitaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yaddaha sharciga, ayuu yidhi, Madaxweyne Trump oo hadalo is burinaya iska daba keenay.

Magaalada Minnesota oo ahayd xudunta dibadbaxyaasha, waxaa weli ka taagan xiisad, iyadoo bandow habeenkii ah lagu soo rogay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis-Saint Paul, balse dibadbaxayaasha ayaa qaadacay bandowga Jimcihii, waxaana gooba badan oo qaarkood yihiin xarumo boolis iyo Baabuurta booliska dab la qabadsiiyay. Sida ay baahiyeen Telefishinada qaarkood oo baahiyay muuqaalo tusayay boob iyo dhac ka socda meelaha qaar.

Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz, ayaa ciidamada ilaalada qaranka ku daabulay Minneapolis,  kaddib markii ay Maayarada magaalooyinkaas ka codsadeen in ciidamadaa la keeno, iyagoo ku doodaya in xaaladdu faraha ka baxday, isla markaana amnigii iyo kala danbayntii lumen.

”Geerida George Floyd waa inay nagu hogaamiso dhanka cadaaladda ee maaha innay horseeddo burbur iyo dhimasho hor-leh.” waxbixin suu kasoo saaray mudaaharaadyaasha ugu baaqay inay si nabdoon u banaan-baxaan. Ayuu yidhi, Tim Walz.

Dhinaca kale, Aqalka gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon ayaa heegan sare geliyay Millatariga si ay isugu diyaariyaan suurtagalnimada in la geeyo Minneapolis iyo magaalooyinka kale ee rabshaduhu ku baaheen.

AKHRI: Maraykanka Oo Sharci KusooRoggay Shaqaalaha Aqalka Cad Kadib Markii Coronavirus Laga Helay Saraakiil Ka Tirsan

Sidoo kale, Gobolka Atlanta, ayaa xaalad deg-deg ah lagu soo rogay meelaha qaar ka dib markii ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata oo sababay in dhowr dhisme oo ku yaal halkaa boobay, isla markaana la gubay gaadiid Boolis.

AKHRI: Maraykanka: khuburada Sayniska, Xeel-dheerayaasha xannuunada Faafa Iyo Saraakiisha Caafimaadka Oo isku Murgay

Dhinaca kale,  Magaalada New York, waxaa laga soo sheegayaa in ay isku dhaceen booliska iyo dibadbaxayaasha oo dhagxaan tuurayay, kuwaas islamarkaana dab qabadsiiyay Baabuurta booliska, waxaana la sheegayaa in ay jiraan dhowr Askar Boolis ah oo ku dhaawacmay, waxaana la xidhay dad badan oo ka mid ah dibadbaxayaasha iyo Weriyayaal si toos ah u tebinayay waxa dhacaya. Bill de Blasio oo ah Duqa magaalada New York ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray ” Ma doonayno in habeen kan oo kale ah uu nasoo maro .”

Dalka Maraykanka, ayaa waajahaya rabshadahan, iyadoo uu si ba’an u saameeyay xanuunka COVID-19, iyadoo dalkaas noqday ka ugu badan dhimashada iyo dadka qaaday xannnuunka ee uu asiibay, isla markaana dadka Madawga ah ee Maraykanka oo tirada ay ka yihiin Bulshada iyo tirada dhimashada Coronavirus aananay is lahayn, waxaana la saadaalinayaa in mudaharaadyada xilligan iyo cadhada ka dhalatay dilkaa iyo dilal hore iyo sidoo kale xaaladdaha cunsuriyadu saamayn weyn ku yeeshaan nidaamka iyo amniga Maraykanka.

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

Email: Jaamac132@gmail.com