Addis Ababa(ANN)-Xaallada Madaxweynihii hore ee Kililka Shanaad ee Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Iilay) oo ku xidhan Xabsi ku yaal Magaalada Caasimada Ethiopia ee Addis Ababa.

Qoyskiisa, ayaa warbaahinta u sheegay in ay la kulmeen, iyadoo lagu samaynayo Jidhdil. Sidaana waxa BBc-da u xaqiijiyay xaaska, iyo hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar oo labaduba ka hadlay in ay arkeen jidhdilkaa.

Eedeynta qoyska

Xaaska Cabdi Maxamuud Cumar, Sadiiqa Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegtay in iyagoo cuno u geeyey ay arkeen askar garaacaysa Cabdi Maxamuud, kana soo tuurtay jaranjarada dhimsaha halkii uu ku xidhnaa.

“Qolkii uu deganaa ayaan ku aragnay labaatan nin oo bustayaashii uu ku jiifay intay u dhibeen ku yidhi ka kac meesha, markaan weydiinay halka ay u wadaana waxay noo sheegeen inay qolka u baddalayaan. Ka dibna waxay ka tureen jaranjaradii guriga. Wey dileen budhadh ay la dhaceen” ayey tidhi Sadiiqa.

Diib Mahad Colow oo ah Cabdi Maxamuud hooyadiis ayaa mar ay BBC u warramaysay tidhi  “way jiideen, wuuna miyir beelay, meel wasakh ah ayayna ku tureen, warna kama hayo inuu dhintay iyo in kale, waana iskaga soo tagnay”.

 

Jawaabta Booliska Ethiopia
Dawladda Ethiopia, ayaa ku gacan saydhay eedeyntaas. Taliyaha Booliska federaalka ee Ethiopia, Jeneraal Zeyinu Jemal wuxuu BBC u sheegay “inay been tahay. Ma jirto cid garaacday. Inkastoo lagu eedeeyey dambiyo culus, si wanaagsan oo ah sidii madaxweyne hore ayey ula dhaqmayaan Boolisku  ayuu yidhi.

Mar la weydiiyay in Cusbitaal loo ogolaaday iyo in kale, wuxuu yidhi Jeneraal Zeyinu Jemal “Cusbitaal marka la tegayo waa in bukaan socod eegtada xabsiga ku dhex taalla oo ay u dirto. Haddii uu xanuunkiisa weyn yahayna cusbitaal ayaa loo dirayaa. Nidaamka ayaa sidaas ah, cid si gaar ah wax loogu samaynayo ma jirto” ayuu sii raaciyey.

Maxkamadda Cabdi Maxamuud Cumar
Jimcaha soo socda ayaa loo ballansan yahay dhagaysiga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo dadka la xidhan.

Ehelkiisa, ayaa sheegay in loo diiday inay qaataan damaanad uu banaanka ku joogo inta dacwaddu ay socoto, waxayna
Maxkamaddii hore ee la saaray ogolaatay in 14 maalmood xabsiga lagu hayo inta la dhamaystirayo caddaymo ay dacwad oogayaashu maxkamadda hor keeni doonaan.

 

Maxay yihiin denbiyada loo haystaa?
Taliyaha Booliska Ethiopia, Zeyinu Jemal, ayaa hore u sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo haysto rabshadihii magaaladda Jigjiga ka dhacay afartii bishii August, rabshadahaas oo dad badan ay ku dhinteen laguna gubay dhismaha kaniisad magaalada ku taalla iyo hanti kaleba.

Rabshadahaas ka sokow, dacwad oogayaashu waxay diyaarinayaan eedeymo kale oo dheeraad ah.

Yaa la xidha  Cabdi Maxamuud Cumar?

Shan xubnood oo maamulkii hore ka tirsanaa maamulka dawlad-deegaanka ayaa la xidhan Cabdi Maxamuud Cumar, Mid ka mid ah xubnahaasina waa Raxmo Maxamuud Haybe oo muddo dheer ahayd Wasiirka Haweenka.

Dhamaan xubnahan ayaa loo haystaa sida hore loo sheegay kicinta dhalinyaro Jigjiga joogta oo gaystay “dhibaato, dil iyo khasaare kaleba leh”.

 

Eedihii hore loogu eedaynayay.

Cabdi Maxamuud Cumar oo Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Ethiopia madaxweyne ka ahaa mudo tobon sano kudhow ayaa marar badan waxaa lagu eedeeyey xadgudubyo xagga xuquuqul insaanka ah.
Warbixintii u dambaysay ee hay’adaha xuquuqul insaanka ay soo saareenna waxaa lagu sheegay in Jeelka weyn ee loo yaqaan Jeel Ogaadeen laga gaystay dhib badan oo maxaabiista ku dhacay.

Ka dib waxaa xaaladda faragelin ku sameeyey mileteriga dowlada dhexe, waxaana la beddelay inta badan maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar la soo shaqeeyey.

Dowlad Deegaanka waxaa hadda sii haye Madaxweyne ka ah Mustafa Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) oo ka mid ahaa ragga sida weyn uga soo horjeeday xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar.