Araweelo News Network.

Warbixin: By. Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Hargeisa Somaliland.

Xukuumadda Abiy Waxay Diiday Dhawaaqyada Nabada Iyo Dariiqyada Sahayda Gargaarka.

 

Addis Ababa(ANN)-Xaaladda Collaadda ee dalka Ethiopia, ayaa sii xumaatay, iyadoo dagaalo lagu hoobtay ka socdaan dhinaca Woqooyi ee gobolka Tigreega labadii toddobaad ee u danbeeyay.

Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamadda Federaalka oo ay taageerayaan malayshiyaad ka soo jeeda gobolka Axmaarada ee ay jaarka yihiin Tigreega, xukuumadda Abiy ayaa sheegtay Sabtidii ciidamadeedu qabsadeen magaalo kale, isla markaana ay kusii jeedaan magaalo madaxda gobolka waqooyiga Tigray ee Mekelle, walaw ay saraakiisha TPLF, sheegeen in duqaymo ka socdaal halkaa oo aannay sheegin cidda gacanta ku haysa, isla markaana aannay jirin warar xaqiijinaya sheegashada xukuumadda Federaalka ah, maadaama aannay jirin warar madax-banaan, isla markaana ay isgaadhsiinta iyo Internetku ka maqan yihiin todobaadyadii u danbeeyay, waraabintana aan loo ogayn inay gaadhaan goobbaha dagaalku ka socdo.

waxayna diideen midowga Afrika oo riixaya dhex-dhexaadinta colaadda.Hay’adaha gargaarka ayaa ku baaqaya xabad joojin deg-deg ah oo kumeel gaar ah oo laga sameeyo waqooyiga Itoobiya si loogu ogolaado gargaarka in la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee dagaalada saameeyeen.

Sidoo kale, xukuumadda Ethiopia ee dawladda Federaalka ah, ayaa sheegtay inay dhawaan gaadhi doonto magaalada Mekelle, iyadoo ku dooday inay qabsatay magaalooyin ku hareeraysan, oo ay ugu dambaysay magaalada Adigrat, taas oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Tigray oo qiyaastii 116km (72 miles) kaga beegan dhanka waqooyiga caasimada Tigreega ee Mekelle.

“Ciidankeena difaaca waxay hada kusocdaan Mekelle,” sidaa waxa warbaahinta u sheegay saraal ka tirsan kooxda hubinta xaqiiqda iyo xaaladda deg-dega ah ee Ethiopia oo ra’iisal Wasaare Abiy magcaabay.

 

Balse Saraakiisha Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “duqeyn culus” ay ka dhacday magaalada Adigrat, waxayna sheegeen in dagaal ka socdo halkaa.

Xukuumadda, ayaa bayaan ay soo saartay jimcihii ku sheegtay in ciidamadda Ethiopia ay la wareegeen magaalooyinka Axum iyo Adwa, kuwaas oo ah magaalooyin muhiim ah, isla markaana taariikhi ah, balse ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada, sidoo kale waxa adag in xidhiidh lala sameeyo deegaamadaa oo taleefanka iyo internetka ay hawada ka maqnaayeen tan iyo bilowgii markii dagaalku bilaabmay horraantii  bishii Nofeembar 4, 2020, iyadoo oo weriyayaasha laga joojiyay goobbaha dagaalka, taas oo meesha ka saartay in la helo warar xaqiiq ah iyo xaalladda dhabta ah, waxayna xukuumadda Ethiopia shaqada ka joojisay qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah, kuwaas oo weriyayaashii ka joogay gobolka lagala noqday ruqsadihii, isla markaana waxa la mamnuucay warbaahinta maxaliga ah ee loo tuhmay inay si dhex-dhexaad ah u gudbinayaan wararka iyo macluumaadka xaalladda ka jirta halkaa.

Horaantii todobaadkan, ayay ciidamada dawladda Federaalka sheegeen in ay la wareegeen laba magaalo oo gobolkaTigray ah, kuwaas oo kala ah Shire iyo Raya, sidoo kale Jimcihii ayay sheegeen inay qabsadeen ciidankoodu magaalada Aksum iyo magaalada Adwa, iyagoo xusay in xoogaggii militariga ee dagaalka kula jiray ee magaalooyinkaa ay iska dhiibeen labada aag, walaw Saraakiisha Tigreegu aannay dhankooda sheegeen in dagaal ka  socdo halkaa, isla markaana aannay jirin warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka.

Aksum waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn gobolka Tigreega sidoo kale magaalada buuraleyda ah ee Adwa waxaa sidoo kale loo arkaa mid istiraatiijiyad ahaan muhiim ah, waxayna ka mid yihiin dhulka taariikhiga ah ee faca-weyn, waxayna gacan ku hayntoodu leedahay ahmiyad weyn oo dhanka dagaalka ah.

Dhinaca kale, xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa beenisay wadahadalada ku saabsan collaadda sii kordheysa ee u dhaxaysa Tigray inay, waxayna hadalkaa shaacisay saacado koobban kaddib markii seddex madaxweyne oo hore oo Afrikaan ah loo magacaabay inay gacan ka geystaan dhex-dhexaadinta xiisadda laba dagaalka socday laba toddobaad iyo dheeraad.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in  magacaabista madaxweynayaashii hore Joaquim Chissano ee Mozambique, Ellen Johnson-Sirleaf ee Liberia, iyo Kgalema Motlanthe oo Koonfur Afrika ah ay noqonayaan ergo si gaar ah loogu magccaabay sidii dagaalka Ethiopia loo joojin lahaa..

“Hawsha koowaad ee ergooyinka khaaska ah waa in ay kala dhex galaan dhammaan dhinacyada isku haya si loo joojiyo colaadda, loona abuuro shuruudo wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xalliyo dhammaan arrimaha keenay khilaafka, iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida Itoobiya,” AU ayaa lagu yidhi bayaanka oo xukuumadda Abiy ku gacansaydhay, iyadoo horrena u sheegtay in aannay wax wada hadal ah la gelayn TPLF.

Xukuumadda, ayaa sheegtay in wararka sheegaya ay ergooyin u kala dabqaadayaan gobolka Tigreega iyo caasimada Addis Ababa aannay ahayn kuwo wax ka jiraan, waxayna ku tilmaantay kuwo been abuur ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu u sheegay warfidiyeenada  in xukuumadda Federaalka Ethiopia annay danaynayn dhex-dhexaadinta dibadda ee la doonayo in xaaladda collaadeed lagu hakiyo.

 

“Ilaa iyo hada, majiro wax aqbalaad ah oo aan ka kahelaynaa masuuliyiinta itoobiya nooc kasta oo dhex-dhexaadin dibada ah,” ayuu yidhi. Antonio.

 

sidoo kale, wuxuu Antonio ku baaqay in la furo wadiiqooyin bani’aadamnimo si loo caawiyo dadka shacabka ah ee dagaalladii ka dhacay gobolka Tigray ku waxyeeleeyay guddaha.

 

Qaramada Midoobay, ayaa si weyn ugu baaqday doonisteeda ah in la furo marinnada bani’aadamnimada kadib laba toddobaad oo isku dhac ah oo u dhexeeyey millatariga Itoobiya iyo xoogagga taaggeersan hoggaanka gobolka Tigray.

 

Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaalka u dhexeeya dawladda Federaalka ee Etiopia iyo maamulka gobolka Tigreega oo ay maydadku wadhan yihiin goovaha uu ka socdo.

Hay’addaha xuquuqda Aadamuhu, waxay sheegayaan in gabaoodfalo iyo xadgudubyo xasuuq dhaceen tan iyo markii dagaalku ka bilaabmay halkaa, iyadoo kumanaan qof oo ka cararay dagaalka ay ka talaabeen xadka Ethioia iyo Suudaan, kuwaas oo hay’adda gargaarku sheegayaan inay marba marka ka danbaysa kumanaan usoo cararayaan dhanka Suudaan, isla markaana loo baahanyahay gargaar deg-deg ah.

 

 

Si kastaba ha ahaatee xaalladda ayaa noqotay mid cabsideeda leh, iyadoo ay adag tahay in la xaqiijiyo waxyaabaha murugada ah ee ka dhacaya deegaanka iyo sida ay xaqiiqdu tahay sababtoo ah khadka taleefanka iyo internetka ayaa go’an tan iyo bilowgii dagaalka, isla markaana waxa soo kordhaya cabsida laga qabo in xaalladda dagaalka ee ka socda halkaa uu saamayn xun iyo bur-bur u horseedo dalkaa oo ay ku nool yihiin qiyaastii 110 milyan oo u qaysan 82 qowmiyadood oo xadaarad ahaan iyo dhaqan ahaan kala duwan oo ka mid dalalka ay ku nool yihiin dadka ugu saboolsan aduunka, sidoo kale uu ku faafo dalalka gobolka oo jaah wareer ku rido amniga gobolka ee  marka horreba aan caggaha adag ku taagnayn.