Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Munaasibad lagu shaaciyay Musharrax Xaashi Axmed Xaashi oo sheegay in uu u taagan yahay doorashada golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa, ayaa lagu qabtay Hargeysa.

Madax-dhaqameed, Dhalinyaro, Ganacsato, Culimo iyo Wax-garad, ayaa ka qaybgalay Munaasibadaa oo Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaa hadallado soo dhawayn iyo sifayn ah ka jeediyey Madax-dhaqameed, Odayaal, Culimo, Ganacsato, Aqoonyahan iyo Dhalinyaro reer Hargeysa ah, kuwaas oo dhammaantood si isku mid ah u tilmaamay inuu Xaashi Axmed Xaashi yahay Nin Dhalinyarada aqoonyahanka ah ee reer Hargeysa ka mid ah, isla markaana aad ugu habboon xilka uu isu soo taagay ee ah inuu ka mid noqdo golaha deegaanka ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Sidoo kale, Xubnaha Xafladdaas ka hadlay, waxay dardaaran iyo duco halkaas uga jeediyeen Xaashi Axmed Xaashi oo ay Allaah uga baryeen in haddii xilkaasi khayr u leeyahay ku guuleeyo, isagana hadduu xilkaa hanto laga rabo inuu u adeego dadweynaha reer Hargeysa, kana shaqeeyo horumarka ay caasimaddu u baahan tahay iyo wax ka qabashada bilicda iyo inay jidad caasimad ku habboon Hargeysa hesho.

“Hargeysa waxay u baahan tahay nin u qalma xilka gole deegaan, nin aan inna kala qaybin oo aan calooshiisa u shaqo tegin ee bulshada caasimadda u adeega. Qof wanaagsan oo bulshada u adeega in cid waliba soo xusho qof innaga mid ah oo aan u baahnayni ma jiro.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Wax-garadka Xafladdaas ka hadlay.

Sidoo kale, mid ka mid ah Odayaasha madasha shaacinta musharrax Xaashi ka hadlay, waxa uu yidhi; “Xaashi waxaannu u aragnay inuu yahay Wiil tacliin ahaan iyo qof ahaanba ku habboon xilka uu u tartami doono, Allaah ha ku guuleeyee, waxa lagaaga baahan yahay inaad noqoto qof ka turjuma baahida reer Hargeysa qabaan ee laga robo golaha deegaanka.”

Gebagebadii Munaasibaddaas, waxaa hadal ka jeediyey, isla markaana musharraxnimadiisa si rasmi ah ugu shaaciyey Xaashi Axmed Xaashi, waxaanu yidhi; “Waxaan ahay Xaashi Axmed Xaashi, 2012 doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee ugu dambeeyey, waxaan ahaa Musharrax, waxaan rabay inaan tartamo. Laakiin, waxaanay suuragal iigu noqon reerka aan ka dhashay oo watay nin weyn oo aqoonyahan ah oo Muxtarim ah, ayaa taagnaa, markaas waxay ila noqotay inaan candhuuftayda dib u liqo.”

Musharrax Xaashi waxa uu ka warramay himiladiisa haddii uu Xildhibaan gole deegaank ka noqdo Hargeysa. “Illaahay waxaan ka rejaynayaa haddii uu khayr ii leeyahay xilku oo Illaahay igu guuleeyo inaan noqon doono xiddig ka dhex-muuqda golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa. Waxaynu iska wada ognahay gal-daloolooyinka iyo tabashooyinka faraha badan iyoee waddanka ka jira iyo baahida ay magaalada Hargeysa qabto.” Sidaa ayuu yidhi Xaashi.

Musharrax Xaashi Axmed Xaashi oo sii watay hadalkiisa waxa uu tilmaamay inaanu ka madhanayn hanka Maayernimo haddii uu guulaysto, waxaanu yidhi; “Rabitaankayga iyo doonistayda shaqsiga ahna marna kama horreysiin doono in baahiyahaas iyo danta caamka ah wax laga qabto, waxaan rejaynayaa inaad iga aqbali doontaan. Hanka Maayar-nimada laftiisuna wax iga madhan maaha.”