Xabsiga Laascaanood
Laascaanood(ANN)Xabsiga Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa mar kale Maxaabiis ka baxsatay xalay saqdii dhexe.

sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelo News Network u xaqiijiyay dad kala duwan oo u dhashay deegaanka, kuwaas oo sheegay in aan si rasmi ah loo ogayn tirada dhabta ah ee maxaabiista ka baxsatay xabsiga, balse waxa jira warar sheegaya in ugu yaraan saddex maxbuus oo qaarkood loo haystay denbiyo culus ka baxsadeen xabsiga xalay.
arrintan ayaa timi sida ay sheegeen dadka deegaanku markii ay Maxaabiistu dumiyeen giraaka qolkii ay ku xidhnaayeen xabsiga, isla markaana ka baxeen xayndaabka xabsiga, sidaana ku baxsadeen.

sidoo kale wararka qaar, ayaa sheegaya in caawa gaadhi aan la aqoonsan xarunta dhisamaha Taliska Qaybta Ciidanka Booliska ee Laascaanood cabsi gelin ku sameeyay. kadib markii qarax laga tuuray gaadhiga oo sababay dhaawaca hal askari ka baxsaday goobta, iyadoo qaraxa loo malanayo inuu ahaa Banbo.

22 Sep 2015, ayay ahayd markii koox maxaabiis ah oo ku jiray xabsiga Laascaanood ka baxsadeen, kuwaas aan tiradooda dhabta ah layn, balse ku dhowaad labaataneeyo denbiyo kala duwan loo haystay oo gacan ka helay Askarta ay ka baxsadeen xabsiga Laascaanood, waana dhacdadii labaad ee maxaabiis kaga baxsato xabsiga Laascaanood labadii todobaad ee u danbeeyay.
Xukuumadda Somaliland, ayaan wax war ah ka bixin sababta dhacdooyinkan soo noq noqday, iyadoo masuuliyiinta Jeelasha oo aanu isku daynay si aanu wax uga weydiino aanay noo suurta gelin.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380