lawyacadoLawyacado (ANN) Xadka u dhexeeya Djibouti iyo Somaliland, ayaa xidhan maalintii Afraad. Kadib markii Dawladda Djibouti ay gabi ahaanba xidhay xadka ay la wadaagto dalka Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaasoo dhibaato ku keentay dadweynaha ku dhaqan degaannada Gobolka Selel iyo dadka safarka ahba.
Badhasaabka Gobolka Selel Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa saxaafadda u sheegay shalay in sababo dhinaca ammaanka ah loo xidhay xadka dalka Djibouti, kaasoo xidhnaa ilaa maalintii Jimcaha ee toddobaadkii hore, isagoo xusay in tallaabada xadka lagu xidhay tahay mid ay ogyihiin labada dawladood ee Somaliland iyo Djibouti.
“Xidhista xadka waanu ka wada soconnaa dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Somaliland-ba. Waa laga wada socdaa, Wasiirka Daakhiliga (Somaliland) waa la socdaa, warar baa jira la leeyahay waxbaa jira, (tuhuno la xidhiidha weeraro argagixiso), markaas labada dhanba feejignaan ayaannu galnay,” ayuu yidhi Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, isagoo intaas ku daray; “Dalkan amma Mandaqadan Geeska Afrika waxa ka jirta dhibaat ay samaynayaan niman argagixiso ah oo runtii shadaadiin ah oo wax duminaya oo cidba aan hambaynayn, kuwaas ayaana jira, markastana cabsi fara badan iyo feejignaan ayaa jirta.”
Tallaabada dalka Jabuuti ku xidhay xadka uu la wadaago Somaliland, ayaa sababtay in dhibaatooyin ka gaadhaan dadweynaha ku dhaqan degaannada Gobolka Selel oo inta badan noloshoodu ku tiirsan tahay dhinaca Jabuuti, kuwaasoo aan maalmihii la dhaafay aan wax dhaqdhaqaaq ah samayn.
Badhasaabka Gobolka Selel ayaa caddeeyey in dadweynaha degaanku caano u iibgeeyaan dhinaca Jabuuti, kuwaasoo aan la qaadin labadii maalmaadood ee u dambeeyey, waxaannu yidhi; “Caanaha laga qaado halkan (degaannada Saylac iyo guud ahaan goobaha Selel ee dhinaca Jabuuti u dhaw) waxaa la geeyaa Jabuuti, shalayna (maalintii Sabtida) way hakadeen, furinka iyo khudaarta lagu quuto Saylac-na waxaa laga keenaa Jabuuti, taasina waxa ku yimi hakad oo wax khudaar ah iyo furrin (roodhi) lama keenin Saylac, taasina noqon mayso mid sii socota insha Allaah.”
Maaha markii u horaysay ee Jabuuti xidho xadka ay la leedahay Somaliland, balse, waxa sidan oo kale loo xidhay bishii May ee sannadkii 2014, arrintaasoo ka dambaysay markii xilligaas qarax laga fuliyey hudheel ku yaal magaalada Jabuuti, iyadoo sidoo kale qorshahan cusub ee hadda xadka lagu xidhay ku beegmay qaraxyadii khasaaraha badan sababay ee ka dhacay Muqdisho Jimcihii toddobaadkan.
Lama oga muddada uu xidhnaan doono xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland, iyadoo sidoo kale aan xog buuxa laga hayn sababaha keenay in xilligan la xidho xadka, halka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle safar laba maalmood qaatay ku tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne, dibna ugu laabtay Jabuuti shalay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews