Kismaayp(ANN)-Magaalada Kismayo ee xarinta Maamul goboleedka Jubbaland, ayaa lagu qabtay xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Xafladdaa oo ay ka qaybgaleen Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya intooda badan, waxa sidoo kale ka qaybgalay Wufuud ka socotay Dawladda Kenya, Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii ugu danbeeyay iyo xildhibaano iyo madaxdhaqameed kala duwan.


Waxaa ka mid ah xubnaha ka qeybgalaya xaflada caleema-saarka madaxwaynayaashii hore ee Somaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo Sh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxwaynaha Puntland Saciid cabdullaahi Dani iyo madaxwaynayaashii hore e Galmudug iyo Konfur galbeed Shariif Xasan Sh Adan iyo Cabdi Kariin Guuleed oo horena xilal uga soo qabtay Dawladda Federaalka Soomaaliya.


wafdiga ka socday dowladda Kenya, waxa hogaaminayay hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Adan Bare Ducaale, iyadoo dawladda Kenya si weyn u taageersantahay Hoggaamiyaha Jubbaland.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa Mar labaad ku Celisay in aanay aqabli karin Duulimaad toos ah oo Nairobi kaga yimaada dhanka Kismaayo , Waxaase Maanta Barqadii Kismaayo ka degtay diyaarad toos ah oo ay la socdeen Wafdiga uu hogaaminaayay Aadan Barre Ducale, gudoomiyaha Aqlabaiydda Baarlamaaka Kenya ee ka qeyb galay caleema saarka Axmed Madoobe.

Madaxwaynihii hore ee dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka hadashay madasha, ayaa sheegay in aanu la dhacsaneyn qaabka ay dowladda dhexe wax u wado xilligan, wuxuuna tilmaamay in dalka uu ka jiro jahwareer siyaasadeed , sidaa awgeed loo baahan yahay in dowladda fedaraalka ay qorshaheeda cadeyso.

“Jahwareer siyaasadeed ayaa abuurmay,barito lama yaqaano waxa dhacaya,jahwareerka siyaasadeed cawaaqib xumo ayuu leeyahay “,ayuu yidhi Mr Xasan.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud, wuxuu dowladda dhexe ugu baaqay in dadka ay u sheegto halka uu dalku u socdo.

“Dadka meesha loo socdo ha loo sheego kii ra’yi ka qabo ra’yi ha ku darsado kii kale ha ku qanco oo inta uu gacanta taagto ha u sacbiyo “,ayu intaa ku daray.

Sidoo kale, wuxuu Mr Xasan Sh Maxamuud ka hadlay doorashada Galmudug iyo sida ay dowladda dhexe u maareynayso oo uu sheegay in ay tahay mid sharciga baalmarsan.

Madaxwaynihii hore ee dowladii ku meelgaadhka ahayd Sh shariif Sh Axmed ayaa isna khudbad ka jeediyay xafladda caleema saarka ee Kismaayo ka dhacday dhaliil u soo jeediyay dowoladda madaxwayne Farmaajo, wuxuuna farta ku fiiqay in dowladda dhexe ay ka soo quusteen islamarkana loo baahan yahay tallo.


“Anagu waan ka soo quusanay dowladda dhexe,quus ayaan ka nahay waan ka nimid rajo xitaa noogama jirto, Umadda Soomaaliyeed waxay maanta baahi badan u qabtaa midnimo,waxay baahi badan u qabaan in wixii ay qorteen ay dhaqangalaan “,ayuu yidhi Mr sh Shariif.

Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdulahi Deni oo ka mid ah masuuliyiinta ka hadlay xafladaa, ayaa ugu baaqay dowladda dhexe in looga baahan yahay inay tanaasul sameyso. “Waxaad ogtihiin marka uu khilaaf dhaco mar walba ninka weyn inuu tanaasulo ayaa sharafta ku jirtaa,waxaan ka rajeynayaa dowladda fedaraalka ah in hadduba khilaaf jiray inay tanasulaad ka muujiso khilaafkii hore u jiray “,ayuu ydri Mr Deni.

Arintan ayaa soo celisay khilaafka Maamul goboleedyada iyo weliba xiisad mar kale ka dhex abuuranta Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dawladda Kenya.