Hargeysa (ANN)Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland Qeybtiisa Maqal-muuqaalka Wareegga (MAVU), ayaa tababar kor loogu qaadayey tayada mihnadda saxaafadda u qabtay in ka badan 90 suxufi oo ka kala yimi dhammaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Tababarkan oo muddo laba maalmood ah ka socday hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa xafladdii furitaankiisa oo qabsoontay Arbacadii toddobaadkan ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Agaasimaha Fulinta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Mr. Maxamed Faarax Xirsi, Isu-duwaha Barnaamijyada Akaademiga, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Madaxa Maqal-muuqaalka Wareegga (MAVU) Cabdiraxman Maxamed Axmed (Harbi) iyo in ka badan 90 suxufi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta maxalliga ah.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, oo halkaa ka hadashay, ayaa carrabka ku adkaysay muhiimaadda tababarrada noocan ah u leeyihiin kobcinta aqoonta suxufiyiinta Somaliland, gaar ahaan waxyaabaha la xidhiidha anshaxa wanaagsan ee warbaahinta, waxaanay ka-qaybgalayaasha ku dhiirrigelisay inay uga faa’iideystaan duruusta lagu barayo, kadibna ku dabbaqaan hawlahooda shaqo, iyadoo u mahadnaqday Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka oo qabtay tababarkaas.

Guddoomiyaha Ururka SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo sidii suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta ee Somaliland loogu baraarujin lahaa anshaxa wanaagsan ee aasaaska u ah mihnadda saxaafadda, isagoo xukuumadda iyo Akaadamiga Nabadda ka codsaday inay door ka qaataan sidii loo horumarin lahaa, loona kobcin lahaa aqoonta suxufiyiinta, isla markaana loo dhisi lahaa xarun lagu barto duruus la xidhiidha aqoonta iyo anshaxa warbaahinta.

Tababrkan oo ay daadihinayeen suxufiyiinta ruug-caddaaga ah ee Xuseen Cali Nuur, Faysal Fadhfadhle iyo Xasan Maxamed Jamac (Xasan Xiis), waxa ka-qaybgalayaasha lagu baray casharro la xidhiidha marxaladaha kala duwan ee warbaahinta casriga ah la tallaabsadaan, qaababka loo qaado wareysiyada iyo ahmiyadda anshaxa looga baahan yahay suxufiga.

Sidoo kale, Agaasimaha Fulinta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland Md. Maxamed Faarax Xirsi oo isaguna hadal ka jeediyey xidhitaankii tababarka maalintii Khamiista, ayaa tilmaamay inay ka shaqayn doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo kobcinta anshaxa ee suxufiyiinta ka hawlgala Somaliland.

Waxa kaloo uu ka qaybgalayaasha tababarkaas ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan duruusta la baray muddada labada maalmood ah ee tababarku u socday, waxaannu kula dardaarmay suxufiyiinta Somaliland inay ka shaqeeyaan sidii ummadda loogu gudbin lahaa warar iyo barnaamijyo ku qotoma anshaxa saxaafadda, isla markaana magaca Somaliland u gaadhsiin lahaayeen dadka kale ee ku dhaqan caalamka.

Mohamed Abdillahi Abdi
Audio Visual Unit Assistant
The Academy for Peace and Development
Hargeisa, Somaliland
Mobile: 0634421181

workshop2workshop2

Muqaalka Xarunta suxufiyiinta Akademiga Nabada iyo Horumarintu usoo gebagebatsat suxufiyiinta22 Oct 2015

Muqaalka Xarunta suxufiyiinta Akademiga Nabada iyo Horumarintu usoo gebagebatsat suxufiyiinta22 Oct 2015