Laascaanood (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya Laascaanood Jimcihii maanta 16, 2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaraha dawladda Federaalka ayaa Laascaanood   kaga qeybgalaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan heerarka kala duwan ee maamulka Waqooyi Bari, dhaqanka, waxgarad, haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo muujiyey farxad iyo soo dhoweyn ballaadhan oo ku aaddan booqashadan taariikhiga ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa kusoo beegantay iyadoo gobolka geesma Afrika ay ka jirto xaalad kacan oo ka dhalatay Aqoonsiga  Israel dhowaan siisay Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay  booashadiidasa mid astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska. sida ay sheegtay Villa Somalia.

Dhonaca kale, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hote uga digtay booqashada Laascaanood  ee Xasan sheekh, iyadoo maalmihii u danbeeyay wefdi ka socda dawladda Federaalka kusoo qulqulayeen Laascaanood, kuwaas oo aan dheg u dhigin dhawaaqa Somaliland.

Dhankiisa Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Deni ayaa ka cadhooday booqashada Xasan Sheekh, isagoo ku tilmamaay mid  daandaansi ah.