araweelonews-300x168

Nairobi(ANN)Baarlamaanka Dalka Kanya, ayaa ku kala qaybsamay Xeer dhinaca Amaanka ah oo horyaalay golaha Baarlamaanka, kaas oo mudanayaashu ku kala aragti duwanaadeen, isla markaana madasha ka abuuray buuq iyo gacan ka hadal. Kadib markii mudanayaasha sida addag uga soo horjeestay xeerkaa iyo kuwa taageersani dagaal Gacan ka hadal ah fooda is dareen.
Warbaahinta, ayaa loo diiday inay si dhab ah uga waramaan Xeerka dhinaca amaanka ee muranka dhaliyay, kaas oo 21 qodob oo dhamaantood saamayn ku yeelayana xoriyadda Saxaafadda, Xoriyadda aasaasiga ah iyo xuquuqda Aadamaha, taas oo sababtay inay mudanayaasha mucaaradku dagaal kala hortagaan.
Digniino ayaa loo jeediyay dadka saaka, waxaana la xidhay wadooyin muhiim ah, iyadoo laga cabsi qabay inay mucaaradku mudaharaadyo ka dhan ah xeerkaa ku yimaadaan dhismaha Baarlamaanka, waxaana laga soo buuxiyay wadooyinka Booliska, iyadoo 8 ka mid ah siyaasiyiinta Mucaaradka oo si nabadgelyo ah mudaharaad uga sameeyay meel ka baxsan dhismaha Baarlamaanka xabsiga loo taxaabay sida uu sheegay sawirqaadaha caan ah ee la baxay Activism Boniface Mwang.
Senator Johnston Mutham oo ka mid ah mudanayaasha diiday xeerkaa, ayaa yidhi, “Maaha Baarlamaan, ma garanayno waxa ay u aqbaleen qaybo naga mid ah khilaafkan” ayuu yidhi Mutham oo cod dhawaaq dheer ku dhawaaqaya, isagoo ka mid ah Xildhibaanada diidanaa xeerkaa ee loo awood sheegtay.
“Waxaanu u dhaqaaqaynaa Maxkamadda si aanu sharciga iyo Dastuurka ugu beddelo xeerkan, waa wax aan sharci ahayn, waanuna bedelaynaa “It is illegal, we will challenge it.” sidaana waxa yidhi Moses Wetangula oo ah Mudanaha Hoggaamiya dadka laga tirada baddanyahay ee Kanya oo dareenkiisa ka bixinaya Xeerkaa oo Dawlada Kanya doonay inay wax kaga qabato arrimaha dhinaca Amaanka iyo nabadgelyo-darada soo waajahday dalkeeda.
Mucaaradku waxay ku doodayaan in sharcigaasi yahay mid si weyn u dhaawacaya oo meel ka dhac ku ah Xoriyadda Saxaafadda, dhaq-dhaqaaqa ururada Xuquuqda Aadamaha, is bahaysiga axsaabta Mucaaradka iyo gebi ahaanba xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee Bulshada, isla markaana uu ahaa mid ay hore u adeegsadeen Madaxweynaha xiligan Uhuru Kenyatta Aabihii Jomo Kenyatta iyo Madaxweynihii ka danbeeyay Daniel Arap Moi. Sidaa awgeed waqtigan meel marintiisu meel ka dhac ku tahay karaamada iyo xadaarada Bulshada Kanya.
Waxyaabaha layaabka ah ee Mucaaradku Xeerkaa sida uga hor tageen wax aka mid ah, qodobada sheegaya Suxufiga sameeya sheekooyin iyo warbixino la xidhiidha baadhitaan dad loo haysto argagixiso, ama warbaahinta baahisa Muuqaalo, ama Sawiro dhibaatooyinka ka dhashay dhacdooyinka iyo weerarada argagixisada, iyagoo aan oggolaansho ka haysan Booliska, waxay helayaan Ciqaab sadex sanadood oo xadhig ah, ama $56,000, taas oo noqonay ganaax, ama labadaba lacagta ganaaxa ah iyo xadhiga sadexda sanadood.
Sidoo kale waxa ku jira xeerkaa in qofka loo tuhmo argagixiso la haysan karo muddo sanad ah, iyadoo aan la horgayn Maxkamad iyo dhegeysi telefoonada dadka shacabka ah oo ay awood u yeelanayso Hay’adda Sirdoonka Kanya.

 

Madaxweynaha Kanya Uhuru Kenyatta, ayaa ka dalbaday Baarlamaanka inay Xeerkaa si deg deg ah u ansixiyaan, wuxuuna sheegay in baahi weyn loo qabo xeerkaa.
Sagaal ka mid ah Wadamada reer galbeedka oo ay hormood u yihiin Maraykanka iyo Britain iyo Hay’addaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadaamaha Human Rights Wacht iyo Amnesty International ayaa iyaguna uga digay Baarlamaanka Kanya inay meel mariyaan xeerkaa oo ay ku tilmaameen mid si weyn xad gudub ugu ah xoriyadda iyo Xuquuqda Aadamaha, isla marakaana loogu danaynayo oo keliya Hay’adda Sirdoonka.
Xeerka Amniga, ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii Dawlada Kanya dalkeeda ka mamnuucday 512 Urur iyo Hay’addo hawlo samafal ka waday dalkeeda, kuwaas oo lagu eedeeyay qaarkood inay xidhiidh la lahaayeen oo ay dhaqaale iyo qaabab kale oo farsamo ku taageerayeen kooxaha Aragagixisada ee Al-shabaab oo weeraro soo noq noqday oo khasaare dhaliyay ka fuliyay gudaha dalka kanya bilihii lasoo dhaafay.

Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com