hubaalHargeysa (ANN) Xeer Ilaaliyaha Qaranka Somaliland, ayaa ku sifeeyay amarka Xayiraada Maxkamadda Gobolka Hargeysa kaga qaaday Wargeyska Hubaal maalintii doraad mid aan sharci ahayn oo qaab tuugo ah ay kusoo saartay Maxakamaddu.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa,ayaa ka qaadday xayiraad saarnayd tan iyo bishii August ee sannadkii hore Wargeyska Hubaal, balse Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa markale xayiraad ku soo rogtay wargeyska madaxbannaan ee HUBAAL, saacado ka dib markii ay kasoo wareegeen amarka xayiraad ka qaasita Wargeyskaa.
Masuuliyiinta HUBAAL Media, ayaa amarka cusub ee Maxkamadda Rafcaanku xayiraadda ku saartay wargeyskooda ku tilmaamay sharci-darro iyo tacadi aan la qaadan Karin oo loola badheedhay.
Qaraar ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa oo markale xayiraad lagu saaray wargeyska HUBAAL shalay, maalin kadib markii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ka qaadday xayiraad muddo dheer saarnayd, sidoo kalena ku oodday dacwaddii lagu soo oogay maalintii Axadda ee toddobaadkan.
Waxay ahayd 25-kii bishii August ee sannadkii 2014 markii Maxkamadda Gobolka Hargeysa xayiraaddii saarneyd ka qaadday wargeyska Hubaal, balse saacado kadib Maxkamadda Rafcaanku dib u xayirtay, waxayna hadda u muuqataa in Hay’addaha garsoorka dalku isku khilaafsan yihiin caddaalad-darada lagu hayo wargeyska Hubaal oo ahaa Wargeys si badheedh ah usoo bandhiga Musuq-maasuqa iyo mushkiladaha madaxda dawlada iyo Hay’addeheeda kala duwan.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com