gaadiidkahubkaCeergaabo(ANN)Xiisad laga cabsiqabo inay ka dhashaan isku dhacyo, ayaa ka taagan magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Kadib Dooni siday shixnad Hub ah laga dejiyay Saleekha oo 5km qiyaastii dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Maydh.

Dadka deegaanka, ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelo News Network, in Doonidaa oo siday shixnad Hub ah si qarsoodi ah looga dejiyay halkaa habeenimadii Axadii 24 Oct, 2015, iyadoo Ciidamada Badda ee ku sugan Saldhiga Maydh awoodi waayeen inay la socdaan xaalada.

Ciidamada amaanka ee gobolka, ayaa ka ka war helay in Hubkaa oo dad shacab ah wataan, lagu soo daabulay saddex gaadhi oo midkood yahay gaadhi Xamuul ah, halka labada gaadhi ee kale yihiin gaadiidka yar yar, isla markaana markii ay ka war heleen dadkii hagayay gaadiidka Hubka sida in Ciidamada amaanku ka war heleen u duween dhinaca Magaalada Harreed oo ku taal dhinaca Buurta Cal-madaw, halkaas oo ah deegaan Beeralay ah.

Hubka, ayaa sida ay wararka shebekadda wararka Araweelo News Network ka heshay ila wareedyo kala duwan oo ka mid ah dadka deegaanka ka yimi dhinaca dalka Yemen oo dagaalada ka socdaa sababeen in dalkaasi noqdo goob hubku kusoo qul-qulayo.

Taliyaha Qaybta Booliska iyo Ciidamo Milateri ah, ayaa u boqoolay dhinaca Magaalada Xeebta ee Maydh iyo wadada isku xidha Xeebaha Maydh iyo Xii see Harti-yimi, balse waxay wararka la xidhiidhaa arrimahaasi sheegayaan in aan weli gacanta lagu dhigin Hubkaa oo dadka shacabka ah ee sitaa doonayaan in aanay u gacan gelin xukuumadda Somaliland, kuwaas oo laga cabsiqabo inay si qarsoodi ah usoo dhaafiyaan, ama ay ku qariyaan deegaankaa oo Buuralay ah, isla markaana ay adagtahay in la oggaado goobta la dhigay.

Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland iyo saraakiisha Gobolka sanaag, oo aanu isku daynay in aanu arrintaa wax weydiino, ayaanay noo suurta gelin, waxaana jira warar sheegaya in Kooxo Odayaal ah o oak cabsiqaba in xiisada ka taagan arrintaa Hubka isu bedesho mid gacan ka hadal dhemara Ciidamada iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka oo doonaya in aanay xukuumadda u gacan gelin Hubkaa, taas oo cabsi ku abuurtay xaalada amaanka gobolka.

Lama ogga ujeedada dhabta ah ee sababtay in dadka deegaanka qaarkood Hub isugu jira Qoryaha B10, BM, qoryaha gaadiidka yar yar la saaro iyo Hubka fudud uga soo iibsadaan dalka Yemen, isla markaana u danaynayaan in Hubkaasi gacantooda ku jiro, balse warar kale oo dadka deegaanka iyo Ila wareedyo kala duwan oo shebekadda wararka ka heshay dadka deegaanka, ayaa sheegaya in sidan oo kale ay badhtamihii August 2015, Hub qayb ka mid ah Bulshada deegaanku uga soo dejisay Hub kala duwan deegaanka Xarshaw ee u dhexeeya Maydh iyo Laasqoray, iyadoo Hubkaasi u gacan galay dad shacab ah, isla markaana qaybo ka mid ah loo gudbiyay dhinaca magaalada OOg, kaas oo aan la ogayn sababta Ciidamada amaanku uga indha qarsadeen.

Sidoo kale intii u dhaxaysay September iyo October-2015, waxa jiray warar sheegayay in meel dhinaca bari ka xigta magaalada xeebta ah ee Laasqoray oo lagu magcaabo Geelweynta laga dejiyay shixnado Doonayo Hub ah, kuwaas oo Malayshiyada Al-Qaida ee ku sugan Buuralayda Sil-silada Golis kasoo rarteen dhinaca dalka Yemen, iyadoo kooxda deegaanka ku sugan oo hore ugu biiray Ururka Al-shabaab oo ka tirsanUrur weynaha Al-Qaida, waqtigan shaaciyeen inay ku biireen Ururka Daacish ee ka dagaalama Ciraaq, Suuriya iyo meelo kale, kuwaas oo dhowaan sheegay inay dhinaca Somalia usoo wareejinayaan jihaadkooda, isla markaana Ururka Al-shabaab oo hore uag tirsanaa Al-Qaida wadahadalo u socday ay ku kala jabeen inay la midoobaan Daacish ISIS, oo ah Dagaalyahanka Dawlada Islaamiga ee Ardul-shaam, Ciraaq iyo Suuriya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380