Muqdisho(ANN)-Xiisad siyaasadeed, ayaa ka dhalatay hadal ay shalay ka jeedisay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Soomaaliya, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahin (Xaliimo Yarey), kaddib markii ay sheegtay in aannay suurta gal ahayn in la qabto doorasho, isla markaana loo baahanyahay muddo kordhin.

Hase yeeshee dhawaaqa Xaliimo Yareey, waxa si kulul uga falceliyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hada hoggaamiya mid ka mid ah Xisbiyada siyaasada ee si ku meel gaadh ah loo diiwaangeliyay, wuxuuna sheegay inuu la fajacay oo aannu wakhtigan filayn dhawaaqii shalay Guddida Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ku dalbaday wakhti dheeraad ah si dalka ay uga dhacdo doorasho waafaqsan dastuurka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in hadalka guddida uu xambaarsanaa muddo kordhin loo sameeyo hay’addaha dastuuriga ee dalka, taasi oo uu sheegay in aan la aqbali karayn.

“Guddida oo muddo laga war-dhowrayay waxay noqotay mid aad looga fajacay, oo dadka Soomaaliyeed ay yidhahdeen tani maaha taan dhigannay. Wixii laga sugayay ama looga fadhiyay ama loo igmaday oo dadku ay ku aamineen ma ahayn wixii ay shalay guddidu meesha ku soo bandhigeen,” ayuu yidhi, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Lagama sugeyn marna muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaaseed oo hor leh in dalka uu guddiidii madaxa bannaanaa ee dastuuriga ahaa ee umadda Soomaaliyeed kalsoonida ay siisay in ay baarlamaanka la hor yimaadaan.” Ayuu yidhi, Xasan Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Xasan Sheekh in guddida doorashooyinka uu ku dhaliilay in muddo saddexsano ah in ay shacabka u sheegayeen in dalku uu diyaar u yahay doorasho, balse haatan sida uu sheegay ay muddo kordhin u sameynayaan hoggaanka dalka oo uu sheegay in ay ku fashilmeen arrimaha doorashooyinka dalka.

“Muddo saddex sano ah ka badan, guddidu waxay noo sheegayeen in ay doorasho diyaar ka tahay dhankoodu haseyeeshee hadal jeedintii guddida waxaa ka soo baxday in ay ummadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen oo wakhti xeedho iyo fandhaal kala dheceen ay umadda u soo badnhigeen in ay ruux dheereysi u sameynayaan hoggaan muddo Afar sano ah wax ka qaban waayay doorashada dalka.”

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu talo u soo jeediyay madaxda dowladda Federaalka, gaar ahaanna madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo ku sheegay in laga sugayo in dalka aannay gelin mugdi siyaasadeed, isla markaana ay dalka u horseedaan doorasho la isla wada ogolyahay.

“Wakhtiga yar ee ka hadhay muddo xileedkaaga mudane madaxweyne, hal arrin ayaad ku filan tahay in aadan ka habaabin ayaa ila habboon, kaas oo ah in aad u istaagto doorashada in loo helo heshiis siyaasadeed, si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale lagugu soo doorto adiga,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

“Dadkana maanta waxay aamineen in ay dimuquraadiyad iyo doorasho iyo sanduuqa in la lagu kala baxo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisalwasaare Xasan Kheyre iyo xukuumaddooda waxaan leeyahay waddo kale oo haddana mudda kale ay dadka Soomaaliyeed ku lumaan haku hagina.”

 

Sidoo kale, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakur, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa ka hadlay arrinta, wuxuuna guddidaa doorashooyinka Soomaaliya ugu baaqay in ay is-casilaan.
” khudbada Guddida Doorashooyinka in ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan”, ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka, ayaa hore ugu qorsheeyay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay noqoto dawladdii u danaysay ee dalka gaadhsiisa doorashooyin hal qof iyo hal cod (One Person One Vote), iyadoo qorshaha hirgelintiisa uu masuul ka yahay Ergyaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo ah Madaxweynaha dadban ee fulinaya qaraarka qorshaha Qaramada Midoobay ee k u waajahan Soomaaliya, balse qorsaha la doonayay in 2020, lagu gaadhsiiyo doorashooyin ayaa hada la garwaaqsaday in aannu ahayn mid xilligan suurta gal ah.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNISOM, awoodda uu leeyahay iyo hawlaha uu ka filinayo Soomaaliya ayaa golaha amaanku wax ka bedeleen qaab-dhismeedkiisa iyo qorshayaasha uu filinayo Jun 2013, waxaana ku lamaan Xafiiska lagu magcaabo Waaxda Siyaasada Dhismaha Nabadgelyada ee loo soo gaabiyo (DPPA), kaas oo ka furan Magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Akhriso: Awooddaha iyo Waajibaadka Xafiiska Qaramada Midoobay Iyo Ujeedada Loo Aasaasay.

James Swan, oo ah muwaadin Maraykan ah, ayaa Madax ka ah Xafiiska awoodda badan ee UNSOM, Swan, waa Ergyaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana taageeraya laba ku xigeen oo ah Wakiilka Gaarka ah: Raisedon Zenenga iyo Adam Abdelmoula oo sidoo kale ah Isuduwaha Deganaashaha Qaramada Midoobay iyo Xidhiidhiyaha Bina-aadamnimada ee Soomaaliya.