Araweelo News Network

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

 

Beijing (ANN)-Dalalka Maraynaka iyo Shiinaha ayaa khilaafkoodu sii xumaaday, kaddib markii Shiinaha oo ka jawaabayay qunsuliyaddii uu ku lahaa magaalada Houston ee uu Mareykanku xidhay todobaadkii lasoo dhaafay.

Xukuumadda Beijing ayaa amartay in la xidho gebi ahaanba howlgalka qunsuliyadda Chengdu, taas oo jawaab u ahayd xidhitaankii qunsuliyadda Shiinaha uu ku lahaa magaalada Houston ee Maraykanka, arrintaas oo salka ku haysay eedaymo soo taxnaa oo u dhexeeyay sanandihii u danbeeyay labada dal, balse xilligan qunsuliyadda lagu tilmaamay mid loo isticmaalayay goob wax laga basaaso.

 

Diblumaasiyiinta Maraykanka, ayaa iskaga tageen hulleelay qunsuliyadda  ay ku lahaayeen magaalada Chengdu ee waddanka Shiinaha, kaddib markii ay dhammaatay muddo 72 saacadood oo kama dambaysta ahayd oo loo qabtay.

Qunsuliyadda Chengdu, ayaa la dhisay 1985, waxayna Maraykanka u qaabilsanayd dhulka ballaadhan ee Koonfur galbeed Shiinaha ee gobolka Tibet ka mid yahay, halkaas oo ay ka jireen dhaqdhaqaayo muddooyin soo socday oo ahaa kuwo cadaadis lagu saarayay xukuumadda Beijing  in ay madaxbannaani siiso.

Dhanka kale dad badan oo dadka deegaanka ah, ayaa waxa ay isugu soo baxeen afaafka hore ee dhismaha qunsuliyadda, iyadoo intooda badan dadkaasi ay ruxayeen calanka Shiinaha, sawirrana ay halkaas iskaga qaadayeen.

Sida ay shaaciyeen Warbaahinta qaranka Shiinaha (China News Agency), ayaa waxa la arkayay sawirro baabuur ay baahisay Wakaaladda Qaranka Shiinaha oo muujinaya iyagoo ka baxaya dhismahaa iyo sidoo kale Diblumaasiyiinta Maraykanka iyo howl-wadeenno astaanta diblumaasiyadeed ka dejinaya dhismahaa.

Cutubyo ka tirsan Booliska Shiinaha ayaa la geeyay afaafka hore ee qunsuliyadda, kuwaas oo dadka meesha isugu soo ururay ka dalbanayay in ay ka dareeraan xilli ay doonayeen in ay si uun u muujiyaan in meesha ay wax ka dheceen.

AKHRI: COVID-19, laguma samayn shaybaadh. Falanqaynta hidda-socodka waxay muujinaysaa inuu ku Yimi si Dabiici ah

Xidhiidhka labada dal ee Maraynka iyo Shiinaha ayaa si weyn usii xummaanayay tan iyo markii uu Maamulka Donald Trump la wareegay talada dalka Maraykanka, waxaana dhowr jeer dhiggiisa Beijing isku khilaafeen arrimo la xidhiidha ganacsigam balse waxa sii kordhiyay xiisadda labada dhinac, kaddib markii November 2019, uu  iyo cudurka safmarka ah ee fayraska COVID-19, ee ku faafay dunidu kasoo if-baxay Magaalada Wuhan ee dhulweynaha Shiinaha.

“Cronavirus, waa Xannuun dabiici ah oo lagu ciqaabayo bini-aadamka” Shi Zhengli oo ah Cilmi-baadhe ka tirsan Machadka Wuhan

Washington ayaa marar baddan ku eedaysay Shiinaha inuu sabab u ahaa xannuunka ku faafay dunida, iyadoo Madaxweyne Trump, marar badan ku celceliyay in caabuqa Coronavirus uu yahay mid uu sameeyay Shiinuhu, isla markaana ku baaqay in lagula xisaabtamo, walaw Shiinuhu dhankiisa eedaha Madaxweyne Trump, ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad midna lahayn, isla markaana dusha u saaray xannuunka inuu Shiinaha geeyay Maraykanku xilli ay askar ka tirsan Maraykanku ka qaybgalayeen Ciyaaraha Caalamiga ah ee Millitariga ee 2019, ka dhacayay Wuhan, kuwaas oo sida ay warbaahinta Shiinuhu sheegeen markii ay eedaha labada dhinac socdeen ku eedeeyeen Askarta Maraykanka inay si ula kac ah ugu faafiyeen fayriska Suuqa Badda ee Hunan. iyagoo ku doodaya in arrintu tahay “nooc cusub oo dagaal bayooloji ah oo ku waajahan Shiinaha”. sida ay warbaahinta Shiinuhu shaaciyeen.

AKHRI: Coronavirus: Maraykanka Iyo Shiinaha Midkee Samayeeyay Maxaase Caddaymo Loo Hayaa?

 

Maraykanka iyo Shiinaha oo sheegata laba quwadood, ayaa sannaadihii u danbeeyay si aan xad lahayn isugu qaadayay weerraro sublamaasiyadeed, kuwo dhaqaale iyo kuwo Istiraatiijiyadeed, iyadoo ay hadda xaaladdu gaadhay in labada dal ay albaabada u xidhaan safaarado midba midka kale uu ku lahaa dalkiisa.

 

AKHRI: Hoos U Dhacii U Weynaa Saliida, Saamaynta Saamiyada Seyladaha Dunida Oo Balaayiin Ku Waayay Iyo Sababaha Keenay