Hargeysa( ANN )-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo kamidda xildhibaanada mudanayaasha golaha Wakiilada JSL, ayaa  Baaq Nabadeed u diray dadka Walaalaha ah ee ku Dagaalamay deegaanka Beeyo Macaan ee Gobolka Saaxil, I

Xildhibaanka, ayaa sidoo  kaleTacsi u diray Ehelada iyo qoykii   Chief-Caaqil Cabdullaahi Cabdi Daray oo ku geeriyooday isagoo ku hawlan xalinta colaada ka taagan deegaankaa.

Xildhibaanka, ayaa qoraalka baaqa ah oo shaqaaqadan kaga hadlaayey ku baahiyey bogiisa Facebooga  waxa uu lu yidhi, sidan:  ” Marka hore waxa aan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Chief-Caaqil Cabdullaahi Cabdi Daray oo ku geeriyooday deegaanka Beeyo ee gobolka isaga oo dhex-dhexaadinaya kana gurmanaaya daminta shaqaaqada colaadeed ee labada beelood ee walaalaha ah ku dhex-martay deegaankaasi.

Sidoo kale waxa aan halkan, Baaq nabadeed oo uu ku socda dadka walaalaha ah ee dilalku ku dhexmarayaan Beeyo Macaan ee Gobolka Saaxil.

Anigoo ku hadlaaya Magacayga iyo dhammaan Magaca Xildhibaanada Golaha wakiilada waxaan ku baaqayaa, in si deg deg ah loo joojiyo, dagaalka dhex maraaya, labada dhinac ee walaalaha ah, isku degaanka iyo ood wadaagta ah laguna badalo, jawi nabadeed , arinku wuxu noqonayaa , kaa dhimay oo kugu dhimay. Shacabka Somaliland maanta xaalad adag ayuu ku jiraa kama bixi karaan dagaal sokooye oo ka bilaama Gobolka saaxil, danteenu waxay ku jirtaa in aynu amaanka ka wad shaqayno si wada jir ah .

Waxaan mar labaad ku baaqayaa in loo istaago sidi loo joojin lahaa, arrintan waa in ay u kacaan Golayaasha dawladda, Xisbiyada qaranka , cuqaasha, culumada, dhalinyarada, haweenka , dhammaan inta Nabad jecel oo dhan si loo helo jawi nabadeed islaax iyo sulux keeni kara”.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)

 

Mudane Ka-tirsan Gollaha Wakiilada JSL.