Nairobi(ANN) Xildhibaan Aadan Barre Ducaale  ayaa ka hadlay xilkaqaadista  Guddoomiyaha Aqlabiyada baaralamanka Kenya,  kadib markii  ay Xildhibaanada Jubilee u gudbiyeen Madaxweynaha qoraal ay saxeexeen , iyadoo markaa kadib Madaxwaynuhu soo saaray warqad xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha.

Xildhibaan Aadan Barre, oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka NFD ee dhulaka Soomaalida ee Kenya, oo  ka hadlay dareenkiisa xilka laga qaaday ,ayaa idaacada BBC ee laanta afka Somaaliga u sheegay ,   in culeys weyn uu hataan ka dhacay, isla markaana uu diiradda saarayo ka shaqeynta danaha shacabka soo doortay.

Mar la waydiiyay sababta xilka looga qaaday waxa uu yidhi Xildhibaanku,  ‘waxaan eersaday  garan maayo, Madaxweynahu waa uu i amaanay, in aan shaqadeyda kasoo baxayna wuu sheegay, Shabakada araweelo news ayaa habeen hore baahisay in koley se waa la ogaan doonaa,   laakin hadda waxaan ahay nin shaqadii loo dhiibay kasoo baxay”

Shabakada araweelo news ayaa habeen hore baahisay in Xildhibaano gaadhaya 130, oo katirsan baarlamaanka Kenya ay saxeexeen mooshin soo jeedin ah oo ahaa warqad xilka qaadis  ka gudbiyeen , taas oo loo gudbiyeen guddoomiyaha xisbiga Jubilee oo ah Madaxweyne Uhuru, si uu u saxeexo xilka qaadista Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.