Dalxa
Mogadisho(ANN) Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka badbaaday weerar la doonayay in lagu khaarajiyo saaka Xili uu ka soo baxay Gurigiisa oo ku yaal Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaan warar laga soo xiggtay qaar ka mid ah Xildhibaanada Somalia, waxa weerarkaa oo Xildhiban Dalxa ay ku qaadeen dablay aan la aqoonsan khasaare kasoo gaadhay Ilaaladiisa, iyadoo wararka qaar sheegayaan in mid ka mid ah Askarta Ilaaladiiisa uu ku dhintay halkaa, balse ma jiro wax khasaare oo soo gaadhay Xildhibaan Dalxa.

Ilaa hada lama Ogga Cida ka danbaysa weerarka lagu qaaday Dalxa, isla markaana ma jirto cid loo qabtay weerarkaa io kusoo beegmay xili Golaha Baarlamaanka Somalia uu horyaal Mooshin Xaasaasi ah oo la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo raysal Wasaare Cabdiweli Xasan Sheekh.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com