marxuumxariirHargeysa(ANN)Alla ha u naxariistee waxa manta ku geeriyooday Magaalada Haregysa Marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsnaa xubnaha golaha wakiilada, isla markaana ka mid ahaa xubnihii xisbiga UCID uga soo baxay Caynabo doorashadii golaha wakiilada ee 2005.

Marxuumka, ayaa geeriyooday kadib markii dhiig kaga furmay madaxa, isagoo ka mid ahaa guddi ku hawlanaa dhexdhexaadinta iyo xal u helida shaqaaqadii dhowaan ka dhacday deegaanka Qorilugud oo dad ku dhinteen, kadib markii dablay hubaysan weerar gaadmo ah ku dishay dad deegaanka.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay doorkii marxuumka, wuxuuna dhanbaal tacsi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyada ku yidhi sidan:-
“ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka tirsanaa xildhibaanada golaha wakiilada oo ku geeriyooday Hargeysa maanta, 08/03/2015

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee wakiilada, iyo guurtida, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi dhanbaalkaa oo uu ku saxeexnaa Naasir Yuusuf Daahir oo ah Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, qaraabadii, asxaabtii, golaha wakiilada JSL iyo dhamaan shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xildh, Xariir siciid Bulaale, wuxuu marxuumku qayb libaaxa ka soo qaatay Nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka.
Gudoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo.
Aamin Aamin Aamin

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews