Araweelo News Network

photo file Araweelo News Network

photo file Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)Guddi-hoosaadka ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku eedeeyey wasaaraddaha xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo inay jabiyeen sharciga u yaal qandaraasyada dalka.

Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama), ayaa sheegay in inta baddan wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee xukuumaddu ay ku xad-gudbeen xeerka Qandaraasyada Qaranka ee loogu talogalay in lagu maamulo iibka dawladda kadib markii la baalmaray ku dhaqankiisa. Waxa kaloo uu xusay in wasaaraddaha qaarkood uu xad-dhaaf yahay kharashaadka ay galiyeen iibsiga shidaalka ama qalabka xafiisyadoodu, isla markaana lacagta la galiyo aan si caddaalad ah loo soo dhex dhigan ganacsatada.

“Wixii dalwaddu iibsanayso ama iibinayso waxa u xil-saaran hay’adda Qandaraasyada ayaa ka masuul ah oo xeerku dhigayo in hay’adda dawladeed ee iibsanaysa wax kharashkiisu ka badan yahay $3000 (saddex kun oo dollar) waa in hay’adda Qandaraasyada la mariyo. Waxaanna looga jeedaa in si caddaalad ah wax loo iibsado oo aannu nin mid ay wax isku yihiin ama mid uu naas-nuujinayo,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka hadlayey xidhitaanka kulan dhawr maalmood lagu gorfaynayey xeerka Hantidhawrka guud ee Qaranka oo loo soo bandhigay aqoonyahanka jaamacadaha dalka.

“Miisaaniyadda shaqaallaha mushaharkooda mooyee waxa kale oo dhan wax baa lagu iibsanayaa, waxaannu aragnay hay’addo kharashka shidaalkoodu yahay dhawr iyo labaatan kun oo dollar bishii, qaarna uu yahay kotan kun oo dollar bishiiba, bal ka waran markaan qof iska siiyo bil walba lixdan kun oo dollar, sidoo kale agabka xafiisyada (stationary) waa sidaas oo kale oo hay’ad keliya ayaa laba boqol oo kun oo dollar ku iibsanaysa. Runtii miisaaniyadda wasaarad kharashkeeda joogtada ah haddaad xisaabiso inta bil kasta ku baxda ha iibsato gaadhi ama shidaal ee waxay noqonaysaa lacag fara badan, markaa lacagtaasi ayeynu doonaynaa inay noqoto mid shacabka iyo ganacsatadu ka wada faa’iidaysto ee aanay noqon qof wax loo xidhay oo keliya.” ayuu yidhi Xildhibaan Obama.

sidaa darteed, wuxuu sheegay in baadhitaannada guddigoodu samayso ay ku ogaadeen in wasaaraduhu jabiyeen sharciga qandaraasyada, isagoo yidhi, “Runta markaan idiin sheego xeerkaasi wax iibsigu wuu jabay boqolkiiba shan boqol buu jabay, sababta oo ah 23 hay’adood oo dawladda ah inta wax iibsigeeda marisa Guddiga Qandaraasyadu aad bay u yar tahay, cid waliba siday doontay u iibsataa. Waa meelaha Guddiga Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranku ku daba jirto ee wasaarad kasta aannu waydiino waxaad iibsanayso ma marisaa qandaraas? Waa maya, markaa xeerkaasi wuu jabay.”

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380