photo file Araweelo News Network

photo file Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, xubnaha ugu cad-cad, ayaa ka hadlay dhibaatada tahriibta dhallinyaradu dibadaha ugu yaacayso iyo xallinta shaqo la’aanta haysata da’yarta ka baxaya jaamacadaha dalka.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ay barteen tahriibka iyo magangalyo-raadinta waddamo shisheeye xilligii burburka Soomaaliya, kadib markii ay dalkoodii hooyo ka waayeen xuquuqdoodii aasaasiga ahayd, taasina keentay inay dibadaha u yaacaan, balse waqtigan la joogo aanay jirin meel ka wanaagsan dalka Somaliland dhinac walba marka laga eego, isl markaana ay dhibaatooyin badani ka jiraan waddamada reer Yurub ee dhallinyaradu u tahriibayso.

“Dalkeenna oo shan kun iyo toban arday jaamacadaha ka baxayaan meel kale lagu tahriibo anigu ma arko, maanta waddeenkeennaa ka qurux badan oo ka fursado wanaagsan oo ka cimilo fiican dhulka aynu u tahriibayno, markaa ma jirto sabab dhallinyaradeennaa quruxda badani ay ugu fikirto inay u tahriibto oo ay tagto Liibiya, Yemen ama badaha u galaan inay Yurub tagaan.

Maanta waxa kaaga horreeya Yurub bilaa sharci baad noqonaysaa oo lama bixiyo sharci oo waxa la ogyahay dalkaaga, magaaladaada iyo dadkaagaba inaad ku dhex noolaan karto oo dawladihii markii hore sharciga ku bixin jiray labada bilood iminka kuma siinayaan ee waxaad noqonaysaa qof bilaa sharci ah oo dalkaasi uu tagay aan ka shaqaysan karin oo aan meel kale uga safri karin. Sidaasi darteed, waxaan leeyahay dhallinyarada waddankiina aamina,” ayuu yidhi Md. Obama oo hadal ka jeediyey xaflad loo qabtay sannad-guuradda 1aad ee ka soo wareegtay Jaamacad ku taal Hargeysa oo la yidhaa Frantz Fanon University (FFU) habeenimadii Arbacada.

Waxa kaloo ka hadlay shaqo la’aanta haysata inta badan dhallinyarada dalka oo uu sheegay in cidda xallin kartaa tahay aqoonyahanka ka baxaya jaamacadaha, waxaannu yidhi, “Xalka shaqo la’aanta anigu waxaan qabaa dhallinyarada aqoonyahanka ee jaamacadaha idinka ayaa la idinka sugayaa, maaha dawladda iyo hay’adaha madaxbannaan, laakiin idinka ayaa wax bartay oo shahaado sare ku qaatay cilmiga, markaa sidaad shaqo u abuuri lahayd, sidaad dawladda iyo Baarlamanka u gali lahayd, sidaad xisbiyada u qabsan lahayd waa adiga inaad ka fikirto ee maaha inaad ku fikirto hay’adee ayaan u shaqo tagaa? Markaa waxaan idiin soo jeedinayaa inaad u midowdaan oo cilmi-baadhsiyo u samaysaan sidii aad shaqo u buuri lahaydeen, inaad ku midowdaan sidii aad dalkiinna u aamin lahaydeen ee aad ugu shaqayn lahaydeen.”ayuu yidhi Xildhaan Maxamed Cali Xirsi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380