Xasan CawaaleHargeysa(ANN) Ilaalada Madaxtooyadda Somaliland, ayaa dhaawacyo gaadhsiisay Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Xildhibaanada golaha wakiiladda Somaliland maanta, waxaana loola cararay Cusbitaalka oo lagu dawaynayo xildhibaanka oo sida wararku sheegayaan dhaawacyo soo gaadheen.

Lama garanayo sababta Askarta Ilaalada Madaxtooyaddu u garaacday Xildhibaanka, balse waxa uu weriyayaal ka socdaay Telefishanka Star oo ku booqday Cusbitaalka u sheegay in sheegay in xaaladiisu fiicantahay Kadib jugo ay u geysteen Askarta Madaxtooyada Somaliland.

“Waxaan joognay Madaxtooyadda Aniga iyo Xildhibaan kale oo dhowaan nagu soo biiray Xildhibaankii kale ayaa Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Warancade ku yidhi Hadal, kadibna Askari ayaa gacanta kusoo taagay, waxaan ku idhi waa Xildhibaan ee gacantaada ha ku taagin Askarigii wuxuu u tegey Taliyihiisa Ilaalada Madaxtooyadda, kadibna isagaa ayaa gacantiisa iila yimi oo waxan ku dhacay dhulka, Dhabarka ayaan u dhacay Askarta kalena farahoodu way soo gaadheen. Laakiin waxaan qabo kolay jugo way I gaadheen, wadnuhuna wuu I xanuunayaa” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale, balse ma sheegin Wasiirka iyo Xildhibaanka kale ee arrintu ka kacday waxay is weydiiyeen.

Xildhibaan Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Wakiilada ee taageera siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaan si dhab ah loo ogayn sababta ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyaddu u garaaceen, isagoo ka mid ahaa Xildhibaanada Madaxtooyadda sida gaarka ah looga soo dhowaysto kuwa dhaliila siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, balse Xildhibaan Xasan ayaa noqday saraakadii budhka la kulantay, isla markaana dagaalku qabsaday isagoo doonaya inuu dhexgalo qaar ka mid ah Ilaalada Madaxtooyadda iyo xildhibaan kale oo is haysta, taas oo sababtay in isaga ay Askartu gacanta ku boobaan.

Dhacdadan ayaa muujinay fal masuuliyad daro ah oo ka dhacay Afaafka hore ee qasriga Madaxtooyada oo ay kula kacaan askarta Ilaaladu xildhibaan xasaanad iyo sharaf dastuurku siiyay, mana aha dhacdooyinka sidan oo kale ah iyo ficilada ay sameeyaan Askarta Ilaalada Madaxtooyada iyo Boolisku kuwo ku cusub Somaliland, balse marar baddan ayay Booliska iyo Ilaalada Madaxtooyadu sidan oo kale u garaaceen Xildhibaan, iyadoo dabayaaqadii horaantii May sanadkii 2011 markii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay xilka, waxay Ilaalada Madaxtooyadu sidan oo kale u garaaceen xildhibaan Cawil Cismaan (Ina Dawiil) oo ka tirsan golaha guurtida, kaas lagu garaacay Afaafka hore ee Qasriga Madaxtooyada, sidoo kale waxa Askartu dhacdooyinkan oo kale kula kaceen muwaadiniin kale oo qaarkood yihiin kuwa ka hawlgala warbaahinta Somaliland.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews