Hargeysa(ANN)-Xildhibaano ka qaybgalay Fadhigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ka jeediyay khudbad sannadeedii Dastuuriga ahayd ee 2020, fadhiga labada gole ee guurtida iyo Wakiiladda, ayaa qaarkood dhaliileen qodobo uu Madaxweynuhu kaga hadlay Khudbadaa.

Mudanayaasha qaarkood oo ka daareen celiyay khudbada, waxay dhaliileen qodobada khudbada Madaxweynaha ku jiray ee dhawaaqa soo jeedinta in dib loo furo tartanka Ururada Siyaasiga ah oo Madaxweynuhu ka dhawaaqjiyay.


Sidoo kale waxay qaarkood ka daareen celiyeen socdaalka la hadal hayay ee sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo socdaal ku imanayo Somaliland.

Halkan Ka Daawo Xildhibaanada Ka Dareen celiyay Khudbada Madaxweynaha.