Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN) – Saddex Xildhibaan oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana laga soo doortay gobolka Awdal ayaa sheegay inay iska casileen xubinimadii xisbiga Kulmiye, kadibna ay u digo rogteen xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

 

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane, Xildhibaan Mahdi Cabdilaahi Maxamuud iyo Xildhibaan Cabdilaahi Axmed Yuusuf ayaa ku sababeeyey is-casilaadooda kadib markii xukuumada Kulmiye ay faragalin ku samaysay hanaankii golahoodu ku dooranayey gudoomiyaha golaha Wakiilada, isla markaana wax is-daba marin lagu sameeyey codkii golaha 6-dii bishan August 2017-kii, waxaanay sheegeen inay u codeeyeen Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle inuu noqdo gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

 

Saddexdan Xildhibaan ayaa sidaasi ku sheegay jir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, iyagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ugu horayn Xildhibaan Xasan Hufane “Aniga iyo Mahdi Cabdilaahi Maxamuud, Waxaan ka tirsanahay xisbiga Kulmiye, hadana waxaanu siinay codkayagii Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle inuu noqdo Gudoomiyaha Golahayaga, xisbi may ahayn maalintaasi golaha ayaa dooranayey maalintaasi gudoomiyahoodu, goluhuna waxuu xaq u leeyahay inuu ka tashado aayihiisa, inuu ka tashado ninka wadi kara ee hogaamin ka Golaha. Maaha in xildhibaanada meel looga soo yeedhiyo oo la yidhaahdo hebel doorta anagu ma qabno fikirkaasi, waxaan qabaa fikirka ah in la hagaajiyo golihii oo dhaliil badan ay shacabka kaga timaado marar badan in la hagaajiyo oo hogaan fiican loo sameeyo.

 

Maanta waxaan halkan ka cadaynayaa inaan ka baxay xisbigii Kulmiye, xubinimadiisii inaan ka baxay xisbiga Kulmiye, isla saacadaana aan ku wareegay xisbiga Waddani ayaan cadaynayaa, maanta wixii ka dambeeyana xisbiga Waddani ayaan ka tirsanahay.

 

Arinta Golaha ee waliba garab lagu siinayo xaqdaradii, maanta wixii damiirkaygu u adkaysan waayeyna taa weeyaan, wixii kalena waxaan ka sheegi  doonaa munaasibada aanu ku biirayno xisbiga Waddani” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Hufane, oo laga soo doorto gobolka Awdal.

 

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay xildhibaan Mahdi Cabdilaahi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Xildhibaanku wuxuu xaq u leeyahay in cidii wadi karta ama hagi karta uu u codeeyo, maaha in la jujuubo oo wax loo yeedhiyo oo la yidhaahdo halkaa mar, waxaanu doorashada u galnay oo aanu xor u nahay waa codkayaga, codkayagana cidii aanu u garano ee na hagi karta ayaanu siinaynaa, waxaan gartay oo aan siiyey codkaygii Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

 

Waxaan xukuumada u sheegayaa anaguna golihii sharci dajinta ayaanu nahay, idinkuna golihii fulinta ayaad tihiin, waxaanu diidaynaa faragalinta qaawan ee ay ku hayso golahayagii.

 

Waxaan halkan ku cadaynayaa in 6-dii bishii 8-aad 2017-ka uu helay Cabdiraxmaan Talyanle 39 cod, aniga oo Mahdi Cabdilaahi ahina waxaan cadaynayaa inaan codkaygii siiyey aniga oo Kulmiye ah Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

 

Aniga oo ah Mahdi Cabdilaahi oo ka tirsan golaha Wakiilada, kuna jiray golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, waxaan halkan ka cadaynayaa, laga bilaabo maanta inaan ka baxay oon iska casilay xubinimadii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, sababaha aan iskaga casilayna waxa ka mid ah cadaalad daradaa dhacday ee ay ku taageersan yihiin ee ay doorashadayadii is-daba mariyeen ee ay ku duudsiyeen kuna indha adag yihiin, sababtaa ayaan iskaga casilay xubinimadii xisbiga Kulmiye, waxaanan ku biiray xisbiga Waddani, laga bilaabo saacadaana waxaan ugu baaqayaa bulshadii isoo dooratay inay sidaa igu ogaadaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi Cabdilaahi oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, lagana soo doorto gobolka Awdal.

 

Dhinaca kale xildhibaan Cabdilaahi Axmed Yuusuf  (Axmed-Madar) ayaa isaguna sheegay inuu iska casilay xisbiga Kulmiye, isla markaana uu ku biiray xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Sida aad ka warqabtaan, baryahanba waxa socotay arin aad cajabiso u ah oo ku saabsanayd bishan August ee aynu ku jirno lixdeedii doorasho ka dhacday Golaha Baarlamaanka oo lagu dooranayey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Baashe Maxamed Faarax, waxaan ka mid ahaa xildhibaanadii ka tirsanaa xisbiga Kulmiye balse u codeeyey oo codkiisa siiyey Mr Cabdiraxmaan Talyanle waxa ka dhacday meesha arin foolxun oo faaxisho ah oo khatarteeda leh horena aan uga dhicin Baarlamaanka Somaliland intii uu soo jiray.

 

Aerintaasi waxay ahayd in Cabdiraxmaan Talyanle ay doorteen 39 xildhibaan oo xisbi kasta ka tirsan oo Waddani leh oo Kulmiye leh, halkaa waxa ka dhacay wax is-daba marin, waxaan hubaa in shacbigu uu ka dharagsan yahay farsamadii la is-ticmaalay sidii loo soo bandhigay iyo sida ay wax walba u cadaayeen iyo khiyaamada yar meesha ka dhacday oo keeni karta isku dhac iyo burbur qaran.

 

Waxa dalkan ka hanaqaadaysay dhawr iyo labaatan sano dimuqraadiyad cod lagu kala helo, waxaan ka xumahay in golihii yahay xarin ciidan oo aanu ahayn xarun sharci dajineed iyo faragalinta xukuumada, anaga oo kala ah laba gole, waxaanay had iyo jeer faragalin gudaha iyo dibadaba ay ku wadaan, taas oo mararka qaarkood keenta inay isku dhacaan xildhibaanada Golaha Wakiiladu, laakiin golaha Wakiiladu wuu ka madaxbanaan yahay golaha Xukuumada.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdilaahi Axmed Yuusuf.