araweelonews-300x168

 

 

 

 

 

Mogadishu(ANN)Koox dablay hubaysan, ayaa weerar ku qaaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia, kuwaas oo tacshiirado rasaas ah la beegsaday, waxaana sida ay wararka hordhaca ah sheegayan weerarkaa ku dhintay Xildhibaan Mayor Mustaf iyo Afar qof oo kale.

 

 

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay wax yar ka dib weerarkaa, Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankooda gaarka ah ay dileem Saddex qof oo saraakiil ah, isla markaana ay dhaawac halis ah gaadhsiiyeen xildhibaan kale oo Baarlamaanka katirsan, balse ma sheegin magaca xildhibaanka.
Xukuumadda Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin weerarkaa oo kusoo beegmay, iyadoo shalay weeraro qaraxyo ah iyo dilal xidhiidh ah ay ka fuliyeen Al-shabaab Magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba ah.

 

 

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com