Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xildhibbaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud(Talyanle) oo loolan adag saaka golaha wakiiladda Somaliland ku dhexmaray Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, isla markaana natiijada doorashada kursiga ay ku loolamayeen ee Guddoomiyaha golaha wakiiladda lagu dhawaaqay barqadii maanta, iyadoo guddoomiye ku xigeenka labaad oo fadhigaa hagayay sheegay in 39 cod guushu ku raacday mudane Baashe 38 xildhibaan codkoodana uu helay Cabdiraxamaan Talyanle sidaana lagu kala calafqaaday.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo natiijadaa lagu dhawaaqay si kal iyo laab ah usoo dhoweeyay, walaw uu jiray dareen madasha ka dhashay oo muujinayay in wax lays dhaafiyay, ama lays daba mariyay.
Balse Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa si lama filaan ah caawa ugu dhawaaqay inuu isagu yahay guddoomiyenimada Golaha Wakiilada Somaliland ee mudanayaashu codkooda siiyeen, isla markaana lays dhaafiyay tiradii u codaysay 39 xildhibaan ahayd iyo 38 u codeeyay Baashe.

Xildhibaanka oo warbaahinta la hadlay, isagoo daba socda sidii wax u dhaceen, ayaa caddeeyey in uu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland ee ay doorteen aqlabiyadda xildhibbaanadii maanta ee codeeyey doorashadii guddoomiyenimada Golaha Wakiilada, isla markaana uu hayo cadaymo muujinaya sida wax u dhaceen iyo sida khiyaamada loogu sameeyay, “Maanta Doorashadii waanigii hanbalyeeyay anigoo daacad ah oo lilaahi ah xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, waxaan leeyahay Baashe sidii aan kuu hanbalyeeyay ii hanbalyay, wixii dhacay khalad ayay ahaayeen cadaymeheediina waan haynaa, goluhuna aniguu i doortay oo wixii hadda ka danbeeya sacadan aan warbaahinta la hadlayo anigaa Guddoomiyihii golaha ah” ayuu yidhi Xidlhibaan Talyanle.

Halkan Ka Daawo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo si cad u sheegaya inuu yahay Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ee la doortay.