Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Araweelo News NetworkAssociated Online Agencie

Hargeysa (ANN)-Xiniyu waa kuwan Kursiga kugu saaray ee Buurta kaaga soo dejiyay Maxamuud Xaashi, sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha xisbiga KAAH oo ka jawaabay dhaleecayn Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan maxamed cabdullahi (Cirro) ka jeediyay Shirka Gollaha dhexe ee xisbigiisa WADDANi

waa dadkii kursiga ku fadhiisiyey ee buurta kaa soo dejiyey.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka jawaabayey eedo uu u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu kaga hadlay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee WADDANI.
Hadalka Maxamuud Xaashi ayaa jawaab u ahaa hadaladii uu Madaxweyne Cirro ka yidhi madasha shirka, kaas oo la sheegay in lagaga wada hadlay arrimaha siyaasadda, dawladnimada iyo doorka ay taageerayaasha xisbigu ku leeyihiin kor u kaca maamulka, isagoo dhaliilo u jeediyay Xaashi iyo Muuse Biixi  oo ah Madaxweynihii uu kugsiga doorashada kaga guulaystay.

L